hadhwanaag
Masiibooyin, qaraxyo
iyo xitaa dagaalka Ukraine midna ma sababin deynta sare u kacday ee lagu
leeyahay dalka yar ee Brunei sida ku dhacday dalal badan.
Inkasta oo adduunka
intiisa kale ay qasab ku noqotay in la dhimo kharashaadka ku baxa dadweynaha si
wax looga qabto saamaynta Covid-19 ama sicir-bararka dhawaan dunida ku dhuftay,
haddana Brunei ayaa weli ah dalka deynta ugu yar lagu leeyahay markii loo
barbardhigo dakhliga ka soo gala wax-soo-saarka gudaha ee gaaraya 1.9%.
Hasayeeshee walow
dayntiisa dalkaasi ay hoosayso markii loo eego dakhligiisa was-soo-saarka
gudaha haddana taasi macnaheedu ma aha in dhaqaalaha dalkaas uu caafimaad qabo.
Dalka yar ayaa leh mid
kamid ah heerarka ugu sarreeya ee nolosha adduunka taas oo ay ugu wacan tahay
kaydka saliidda iyo gaaska ee uu dalkaas leeyahay.
Markii dhankaas laga
fiiriyana waa dalka afaraad ee ugu qanisan adduunka
"Brunei waa waddan
batrool leh. Soo saarista saliidda qayriin iyo gaaska dabiiciga ah ayaa ka
dhigan in ku dhawaad 90% dakhliga ka soo gala wax-soo-saarka gudaha ee
qaranka," ayuu yiri Ulrich Volz, Agaasimaha Xaruunta Dhaqaalaha lajoogtayn
karo, sidoo kalana ah Barfasoor cilmiga dhaqaalaha ka dhigga Jaamacadda School
of Oriental and African Studies SOAS ee Brunei.
2017 waxaa la qiyaasay
in Brunei ay haysato kayd dhan 1,100 milyan oo foosto oo saliid ah, taas oo
0.1% ka ah kaydka shidaalka aduunka ee gaaraya 2.6 trillion cubic meter.
Dalkan Brunei ayaa ku
yaal xeebaha waqooyi ee Jasiiradda Borneo, ee Koonfur-bari Aasiya, waxaana uu
xad la leeyahay dalalka Malaysia iyo Indonesia.
Xubno ka tirsan qoyska
boqortooyada ee uu hoggaamiyo madaxa dowladda Sultan Xasan al-Bolkiah, ayaa leh
hanti badan oo ay gaar u leeyihiin.
Caafimaad qabkiisa
Shacabka dalkaas
canshuur kama bixiyaan dakhliga soo gala, dawladuna waxay bixisaa adeegyo
bilaash ah oo isugu jira caafimaad iyo waxbarasho illaa heer jaamacadeed.
Caasimadda dalkaasi ee
Bandar Seri Bagawan, waa meel ammaan ah, nadiif ah oo aad u deggan, sida ay
sheegeen dadkii halkaas booqday.
Waxaa intaasi dheer in
suldaanka oo sumcad weyn ku dhex leh dadka uu masuulka ka yahay, ayaa si joogto
ah u qoondeeya dhulal iyo guryo la siiyo dadka xaqa u leh kuwaas oo ay dowladdu
qorshayso.
"Waa waddan yar
marka la eego tirada dadkiisa, oo maba gaarayaan nus milyan qof dadka dalkaas
deggan, kuwaas oo sidoo kale qayb ahaan ku nool aag dhan 5,700 oo km oo
keliya," ayey BBC Mundo u sharraxday wasaaradda ganacsiga ee Spain.
Sababta Brunei daynta
aadka u yar loogu leeyahay waa dakhliga ka soo gala kaarboonka ay iibiso.
"Taasi waxay u
oggolaatay in dalkaas uu samaysato kayd lacageed oo badan oo uu ku moodi karo
sannado badan iyo in dadweynaha laga maalgeliyay kaydkaas, iyada oo aan loo
baahnayn in wax amaah ah uu dalkaasi raadsado," ayaa la sii raaciyay.
"Dhabta markaan ka
hadalno, Brunei waa dal dhaqaalihiisu uu aad u yaryahay saamayn culusna aan ku
lahayn gobolka. Waxa kaliya oo muhiimka uu ku yahay waa saliidda iyo gaaska uu
siiyo qaaradda Aasiya.”
Lacagtooda way
wareegtaa
"Iibka shidaalka
ayey ka heshaa lacag badan oo koontooyinkeeda soo gala, taas oo macnaheedu
yahay in waddanku yahay deyn bixiye caalami ah oo aan u baahnayn in uu lacag
soo amaahdo," ayuu xusay Prof Volz.
Brunei waa mid kamid ah
wadammada dhifka ah ee aan dibadda dayn looga lahayn maadaama lacag fara badan
ay taal bangiyadeeda.
Haddaba, iyadoo dunida
inteeda kale ay tahay inay ku tiirsanaato maalgelin dibadeed ha badnaato ama ha
yaraatee, ayaa dowladaha iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee dowladaha yaryar
waxa ay dhaqaalahooda ku maalgelin karaan deymo ay ka helaan baanankooda.
Mid kamid ah
faa'iidooyinka dhaqaalaha Brunei ayaa ah in aanay u baahnayn inay soo iibsato lacag
qalaad si ay u bixiso deynta lagu leeyahay.
Midda kalena waa in
dawladda iyo dhaqaalaheedaba ay ilaaliyaan faa’iidada iyo cashuuraha laga qaado
ganacsiyada.
"Maaraynta
maaliyadeed ee wanaagsan ayaa noqotay siyaasad adag oo mudnaan gaar ah u leh
dawladda, iyadoo hoos u dhigaysa cadaadiska maaliyadeed ee ku iman karta
muwaadiniinteeda iyo ganacsigeeda,” ayuu yiri Eric Chiang, oo ah dhaqaaleyahan
ka tirsan Moody's Analytics.
BBC