Madaxa WHO Oo Sheegay In Loo Baahanyahay La Ogaado Halka Uu Ka Yimid Covid-19

Tuesday March 14, 2023 - 09:33:26
hadhwanaag
"Farriin uu soo dhigay bartiisa Twitterka oo ku qorneyd luuqad dareen xooggan lagu laray"



Madaxa Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee loo soo gaabiyo WHO, Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa sheegay in 'arrin anshax ahaan daruuri u ah' ay tahay in la ogaado halka uu ka yimid xanuunka Covid-19.

 

Farriin uu soo dhigay bartiisa Twitterka oo ku qorneyd luuqad dareen xooggan lagu laray, ayuu Dr Tedros waxa uu ku sheegay inay muhiim tahay in la ogaado runta dhabta ah ee cudurkan dilay malaayiinta qof.

 

Shiinaha ayaa lagu eedeeyay inuu xagaldaacinayo baaritaankii lagu samaynayay halka uu cudurkan ka yimid, kaas oo markiisii ugu horraysay saddex sanadood kahor lagu arkay magaalada Wuhan ee waddanka Shiinaha.

 

VOA

     
Loading...