Xildhibaan Sheegay In Xalka Laascanood Uu Ku Jiro Ciidanka Somaliland Oo Laga Saaro.

Friday February 24, 2023 - 10:32:14
hadhwanaag
"Laascanood xalkeedu xabad iyo dagaal maaha"



Hargaysa (HWN) Xildhibaan Mohamed Harun oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Hargeysa ayaa sheegay in xalka Laascanood ku jiro in laga saaro ciidamada Somaliland.

 

Xildhibaanka ayaa intaasi ku daray in xaalka Magaalada Laascanood aanu ahayn xabad. "Laascanood xalkeedu xabad iyo dagaal maaha ee waa in nabad iyo wada hadal lagu raadiyo, SL waa in ay ciidanka ka saarto." ayuu yidhi Xildhibaanku.

 

Garaadada beesha Dhulbahante ayaa hore udalbaday in magaalada laga saaro ciidanka Milatariga Somaliland, kuwaasi oo shacabku ku eedeeyeen inay madaafiic la dhacan magaalada halka ciidanku beeniyo in wax madaafiic ah uu ladhacay magaalada.

 

Xukuumada Somaliland ayaa iyadu Meesha kasaartay inay ka saarayso ciidankeeda magaalada, waxaanu Muuse Biixi ku dooday in ciidanku ay ilaalinayaan nabad geliyada shacabka.

     
Loading...