Shir ay isugu yimaadeen
dalalka xubnaha ka ah Ururka Caafimaadka Adduunka Khamiistii, ayaa Agaasimaha
Guud ee ururukaas Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus waxa uu ka jeediyay khudbad
xambaarsaeyd war wanaagsan iyo mid laga naxo oo ku saabsan COVID-19.
Waxa uu sheegay in
sannadkii afraad oo masiibada COVID-19 ay dunidu 'ku sugan tahay meel aad uga
wanaagsan sidii ay ahaan jirtay dhowr sanno kahor, sababtoo ah maaraynta daryeelka
caafimaad, tallaalada iyo daawaynta.'
"Inta badan
sannadkii hore, COVID-19 wuu sii yaraanayay. Tallaalkuna dunida oo dhan waa ku
batay. Waxaana jirtay horumar joogto ah oo laga sameeyay waddamo badan oo
dakhligoodu hooseeyo iyo kuwa dhexdhexaadka ah" ayuu yiri Dr. Tedros.
Wuxuu dhinaca kale ka
digay, si kastaba ha ahaatee, in halista COVID-19 ay sii jirto.
"Sinnaan la'aanta
ugu weyn ee helitaanka baaritaanka, daaweynta iyo tallaalka ayaa sii socota.
Toddobaad kasta, ku dhawaad 10,000 oo qof ayaa u dhinta COVID-19. Khasaaraha
dhabta ah waxay u badan tahay inuu intaas ka badan yahay." ayuu sheegay
Dr. Tedros.
Dhanka kale, Tedros
wuxuu sheegay in Shiinuhu "uu hadda la kulmayo heer aad u sarreeya ee isu
gudbinka xanuunkan," wuxuuna intaas ku daray in saraakiisha WHO ay la
kulmeen mas'uuliyiinta Shiinaha si ay ugala hadlaan kororka kiisaskan.