Boqor Cismaan
Awmaxamed Buurmadow, Ugaaska Guud ee
beelaha Gadabuursi Ugaas Abdirashiid Ugaas Rooble iyo Siyaasiyiin uu ka
Midyahay Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa kulamo ku yeeshay Caasimadda
Dalka Ethiopia ee Asia Ababa.
Kulamaddan ayaa Sida ay
ilo xogogaal ahi tilmaamayaan lagaga wada hadlay sidii somaliland looga samata
bixin lahaan Khilaafka siyaasadeed ee ay dalka galisay Xukuumadda wakhtigeedi
dhamaaday ee uu hogaamiyo Muuse Biixi.
Waxaanu ku soo
beegmayaa kulankani xili uu weli Somaliland ka taaganyahay khilaafka ka dhashay
doorashooyinka ee ilaa haatan aan lahelin wax lagu daweeyo.