Hargaysa (HWN)
Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa sheegay in aanay gudida diiwaangelinta ururada
siyaasdu aanay xaq ulahay inay wax kabadel ku sameeyaan xeer uu soo saaray
Baarlamaanku.
Garyaqaanka oo ka
hadlayay hadal ka soo yeedhay Gudida diiwaangelinta ururada siyaasada oo ay ku
sheegayaan in ururada looga baahanyahay inay 400 oo qof looga baahanyahay inay
soo xaadiriyaan Gobolka Sool halka xeerku sheegayo in gobol kasta looga
baahanyahay 1000 qof ayaa qoraal uu baahiyay ku yidhi:
"Ururka aan Sool ka heli karin 1000 qof xaq
uma laha inuu urur noqdo. Gudida Diiwaangellintu awood uma laha inay xeerka
baarlamaanka wax ka bedel ku samayso. Xeerka waxa ku qoran in urur walba laga
rabo "caddeyn in Ururkaasi ku leeyahay laamo hawlgal ah, ugana diiwaan-gashan
yihiin ugu yaraan 1000 (Kun qof) xubnood gobol kasta, kuwaas oo haysta warqda
aqoonsiga muwaadinimo oo sharci ah.” Xeerka waxa si cad ugu qoran ugu yaraan
1000 (kun) qof.
Sidaasdarteed, go’aanka
ay Gudidu Diiwaangellintu soo saartay maanta ee ay ku sheegtay in ururada laga
rabo 400 qof Gobolka Sool waa sharci darro iyo xaq darro u dan ah ururo gaar
ah. Dalka goboladiisu way siman yihiin. Awoodda iyo xaqa gobolka Sool ma noqon
karo badh (half) ee cod la siman shanta gobol ee kale ayuu leeyahay.
Ururada la og yahay in
aanay Sool ka heli karin kun qof, yaan sharciga loo qalloocin. Gudidu na dhex
ha u noqoto ururada oo dhan, sharciga ay ku aasaasan yihiin na yay ku tuman”
ayuu yidhi Garyaqaan Guuleed Dafac