Masuuliyiinta cusub ee loo soo magacaabay Haayada shaqaalaha oo kala ah Gudoomiyaha Haayada shaqaalaha dawlada, gudoomiye ku xigeenka iyo Agaasimaha Haayada shaqaalaha ayaa xilkii kala wareegay masuuliyiintii hore ee haayada shaqalaha dawlada, xalafada xilwareejinta oo ka dhacday Hoolka Haayada shaqaalaha dawlada ayaa waxa ka soo qaybgalay Wasiiro xildhibaano, Shaqalaha waynaha waynaha hayada shaqaalaha, Mudan iyo marti sharaf kale.
Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay isla markaasina faahfaahin ka bixiyey wixi u soo qabsoomay mudadii ay xilka hayeen masuuliyiinya xilka wareejinaysay Gudoomiyihii hore ee Haayada shaqaalaha dawlada Khaalid Jaamac Qodax isagoo xusay in haayada shaqaaluhu tahay Hayada qaanuni ah isla markaasina lafdhabar u ah qaranka Somaliland, waxa kale oo uu xisay in mudadii uu xilka hayey ay hirgaleen meel marinta iyo ansixinta laba xeer oo shaqaalaha dawlada muhiim u ah.
"Muddo xileedkaygii waxa la dhammeystiray xeerkii shaqaalaha dawladda, xeerkii xaqsiinta iyo hawl-gabka qaranka.” Khaalid Jaamac Qodax.
Gudoomiyiihii hore ee haayada shaqalaha dawalada ayaa waxa uu sheegay in iska hor imaadka ugu badan ee ay haayada shaqaaluhu la kulantaa uu kaga yimaad dhinaca masuuliyiinta wasaaradaha isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi "inta badan iska hor imaadku waxa uu u dhaxeeyaa Haayada shaqaalaha iyo wasaaradaha, tusaale ahaan wasiir baa iska magacaabaya qof, wasiir baa iska badalaya qaab dhismeed, wasiir baa iska samaysanaya shaqaale ku meelgaadh ah intaba xeerku uma banayn”
Khaalid jaamac qodax ayaa sidoo kale ka jawaabay arin hadal-Hayn badan dhalisay oo ahayd in shaqaalihii gobolka Sool laqaybsaday isla markaana lagu badalay boosaskoodii dad kale. "Shaalihii gobolka soo boqolkiiba Sagaashan ay gacantaan ku hayaan waxa aan ku warejinaya gudoomiyaha cusub”
Waxa kel oo intaasi ku daray in mudadii ay xilka hayeen ay sameeyeen wajigii labaad ee tirikoobka shaqalaha dawlada taasi oo qaab casri ah loo kaydiyey xogta shaqalaha Qaranka. " Waxa noo surto gashay sida xeerka shaqaaluhu sheegayo in aanu hoos keenay Haayada shaqaalaha, hayado kale oo aan marka hore hoos imaan jirin oo ay ka mitahay, Haamaha shidaalka, Madbacada qaranka iyo wakaalada horumarinta wadooyink qaranka” Gudomiyihii hore ee Haayada shaqaalaha dawlada.
Geesta kale Khaalid Qodax ayaa sheegay in dhaqangalka xeerka shaqaalaha dawladu uu awood siiyey haayada shaqaalaha dawlada in ay ku maamusho dhamaan wasaaradaha iyo yaahayadaha dawliga ah, shaaqalaysiintoda dalacsiintooda, xaqsintooda, tababarkoda, qaabdhis-meedkooda iyo sidoo kale in amiyad wayn loo siin lahaa shaqaalaha qaranka.
Waxa kale oo uu intasi kudaray in uu masuuliyiinta cusub ee haayada shaqalaha uu ku wareejinayo siyaasada mushaar bixinta iyo qaabayn mushaar bixinta shaqaalaha qaranka, taasi oo sida khaalid Jaamac qodox sheegay ukala baxaysa Shan iyo labaatan darajo madaxwaynihii hore ee somaliland Muuse Biixi na uu qalinka ku duugay taasi oo miisaanida sanadkan 2025 ee qaranka na lagudaray lacagdhan 1,600,000 (Halmilyan iyo Lix Boqol) oo kun oo doolar, taasi oo sida uu sheegay gudoomiyha xilka wareejinayey sababaysa in shaqaala waynaha qaranka ay mushaar kooda iyo gudooyinkoodu kor dhayaan.
Gudoomiye hore Qodax ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay dhaqangalka xeerka Hawlgabka iyo xaqsiinta shaqaalaha dawlada. "Xeerka Hawlgabka iyo xasiinta shaqaalaha tacabbadan ayaanu galinay habeena badan ayaanu u soo jeednay, waxan ku qancinay bulshada in xeerkaasi uu yahay xeer muhiima, waxan ku ku qancinay Golaha wakiilada, Golaha Guurtida, iyo Golohii wasiirada in xeerkaasi muhiim yahay waxa sharaf noo ah in xeerkaasi dhaqangal yahay oo sanadkan miisaaniyada marka la ansixiyo dad badan oo waayeel ahi ay galayaan hawlgab iyo xaqsiin”.
Waxa kale oo uu xusay in xeerka hawlgabka iyo xasinta uu ka dhalanayo nidaam lagu kaydinayo nidaamka maamulka xogta shaqaalaha qaranka ila markaana la dhisi doono haayad ka madaxbanaan haayada shaqaalaha taasi oo maamul gaar ah leh.
Gabagabdii waxa isna halkaasi ha hadlay Gudoomiyaha cusub ee loosoo magacabay hayada shaqaalaha dawlada mudane Cabdicasiis Xirsi Warsame ayaa sheegay in xilkaasi loo igmaday u gudan doono sida ugu fiican isla markaasina hoosta ka xariiqayn balanaday in halka masuuliyiintii isaga ka horaysay ay soo gaadhiisyeen in uu hore uga sii wado mooyeen aanu dib u dhac ku imaan doonin haayada shaaqlaha dawlada waxa kale oo uu ka markhaati kacay in haayada shaqalaha dawlada loo taagay sees adag
"Waxa aan qirayaa in Hay’adda Shaqaalaha dawladda loo taagay sees adag” Cabdicasiis Xirsi Warsame, Guddoomiyaha Hay’adda Shaaqalaha Dawladda.