"Maxamed Siyaad Barre Muu Samayn Wixii Ay Xukuumada Adeerkay Muuse Biixi Samaysay Maalintii Mudaharaadka"..xoghaye Dhamme
xoghayaha arimaha bulshada xisbiga Waddani Maxamed-sidiiq Dhamme ayaa sheegay in xadgudubyada ay xukuumada Muuse Biixi ku kacday maalintii mudaharaadka ay yihiin qaar aanay xataa samayn dawladii Siyaad Barre.
xoghaye Dhamme ayaa qoraal uu soo saaray ku yidhi :-
"Maxamed Siyaad Barre muu samayn 11 August waxay samaysay Xukuumadda Adeerkay Muuse Biixi Cabdi, 23 Hablood oo caara hal qoysna ka soo wada-jeeda intuu xaqadarro ku xidhay kamuu fogayn ehelkoodii iyo qoysaskoodii, Siyaad Barre ragga wuu xidhi jiray, laakiin Haweenka ma xidhi jirin. sannadkan waxa diwaanka gashay taariikh foolxun bar madawna ku ah dawladnimadeena iyo damiirkeena."