Hambalyo Sanadka Cusub
Musharraxa Madaxweynaha
Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku
hadlaya magaciisa, ka hoggaanka sarre ee xisbiga, fulinta xisbiga, garabbada
haweenka iyo dhallinyarada xisbiga, Guddoomiyayaasha Gobolada Xisbiga, Laamaha
dibadda iyo dhammaan taageerayaasha Xisbiga, waxa uu Munaasibadda Sannadka
cusub ee Hijriyada 1444 awgii uu Hambalyo, u dirayaa guud ahaanba shucuubta
islaamka gaar ahaana Shacbi weynaha Somaliland Meel kasta oo ay daafaha dunida
ka Joogaan.
"Waxa aan hambalyo
iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Shucuubta Muslimiinta gaar ahaanna Shacabka
Somaliland meel kasta oo ay joogaanba Munaasibadda curashada sannadka cusub ee
Hijriyada Islaamka - H-1444ka. Munaasibadda Curashada sannadka cusub awgii,
waxa aan Ilaahay weydiisaneynaa in uu sannadkan sannadkiisa innagu gaadhsiiyo
midnimo, wadajir, barwaaqo iyo bashbash, isla markaana ha innaga dul-qaado
abaarta, maamul xumada, iyo aafooyinkii bani aadamku sababay,” ayuu yidhi
Musharrax Cabdiraxmaan Cirro
Sida oo kale Musharraxu waxa uu dhambaal hambalyo ah u diraya Ciidamada Qalabka sida ee JSL iyo qoysaskooda iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee ummadda Somaliland waxaanu Illaahay uga baryayaa in uu sannadkan Sannadkiisa ku gaadhsiiyo baadhaadhe nololeed, horumar iyo wada jir, islamarkaana inta dhibaataysan iyo inta xanuunsaysa Illaahay dhibta ka dulqaado oo wanaag iyo caafimaad ugu bedelo.
Sannad wacan oo wanaagsan 1444
Af-hayeenka Xisbiga WADDANI
Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun