Gudoomiyaha golaha deegaanka degmada gabiley ahna duqa degmada degmada
gabiley M/aamiin cumar cabdi,waxa uu ka mid ahaa dhalinyarada dalka ee
masuuliyinta ah kuwa ugu cad cad ee taarikhda galay xaga waxqabadka iyo wax soo
kordhinta waxa aan odhan karaa waa jaaniska ay gabiley heshay ee ay kaga duwan
tahay magaalooyinka la siman ama ku dhaaftay
Waa siyaasi qunyar socod iyo af gaabni isku darsaday oo aad u akhlaaq badan taasi oo u suura galisay kasbashada aqlabiyada shacbiga gabiley ee uu duqa u yahay.
Waa shakhsi leh hal abuur uu kaga duwan yahay masuuliyinta la midka ah,sida waxqabadka iyo soo kordhinta barnaaminyo lagu daydo.
Xaqiiq ahaan waa hogaamiye ku xidhan oo aad u dhagaysta dhalinyarada kuwaasi oo uu si xor ah u matalo mar kastana dhiirigaliyo.
Madaxdii hore ee degmadan gabiley waxa uu kaga duwan yahay waa mid ka
tagaya dhaxal magalaada taariikh muuqata u ah isagana wanaajinaysa
mustaqbalkiisa siyaasadeed
Fikir ahaan waxa aan qabaa masuuliyinta umada isku haysa ee dhalinyarada ah in la dhiirigaliyo sida uu isagu umadiisa u bar bar taagan yahay,waana waajib in loo mahad naqaa dhaqan ahaan madaalaheena.
Qore:JamaaL Aadam Muxumed.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!