Trump ayaa ku eedeeyey Canada inay si aan cadaalad ahayn cashuur
Madaxweyne Donald Trump ayaa si rasmi ah u shaaciyey in cashuuraha la saarayo birta iyo aluminiumta laga keeno Canada kor looqaadey lana, gaadhsiiyey 50%. Go'aankan cusub ayaa imanaya xilli uu Trump anfariir ka qaadey cashuuraha culus ee Canada ay dul dhigtay caanaha laga soo dhoofiyo Maraykanka.
Trump ayaa ku eedeeyey Canada inay si aan cadaalad ahayn cashuur ugu soo rogtay caanaha Maraykanka, taasoo gaadhaysa inta u dhaxaysa 250% ilaa 390%. Wuxuu sheegay in tani ay tahay xadgudub dhaqaale oo lagu hayo beeraleyda Maraykanka, loona baahan yahay in si degdeg ah loo joojiyo.
Dadka falanqeeya arrimaha dhaqaalaha waxay saadaalinayaan in Canada ay iyana dhankeeda laga yaabo inay jawaab ka bixiso, taasoo keeni karta in dagaal ganacsi uu sii xoogeysto.