Kumanaan qof ayaa ku biiray mudaharaadyo ka dhan ah Trump guud ahaan Mareykanka

Sunday April 20, 2025 - 10:15:33
hadhwanaagnews
Mudaaharaadyada siyaasadeed ayaa sii kordhaya gudaha Mareykanka



Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka guud ahaan Mareykanka maalintii Sabtida si ay uga mudaaharaadaan tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee uu qaaday Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

 

Mudaaharaadyadan oo loo yaqaan "50501", oo ah "50 mudaaharaad, 50 gobol, 1 dhaqdhaqaaq", ayaa loo qorsheeyay in ay la jaanqaadaan sannad-guuradii 250-aad ee bilowgii Dagaalkii Xorriyadda ee Mareykanka.

 

Meelo badan sida dibedda Aqalka Cad, xarumaha ganacsiga Tesla, iyo bartamaha magaalooyinka waa weyn, dadku waxay muujinayeen cabashooyin kala duwan. Qaar badan ayaa codsaday in dib loo soo celiyo Kilmar Ábrego García, oo si khaldan loogu tarxiilay El Salvador.

 

Mudaaharaadyada siyaasadeed ayaa sii kordhaya gudaha Mareykanka, iyadoo mudaharaadyadii "Hands Off" ee billowgii Abriil ay soo jiiteen dad badan, xilli sahanno muujinayaan in sumcadda Trump ay hoos u sii dhacayso.

 

Banaanbaxyadii Sabtida ayaa diiradda saaray dhowr tallaabo oo uu qaaday Madaxweyne Trump, oo ay ku jiraan kuwa ay qaaday Waaxda Hufnaanta Dowladda (Doge) oo ah hindise uu Trump wato si loo dhimo shaqooyinka dawladda Mareykanka iyo kharashaadka.

 

Gihad Elgendy ayaa u sheegay CNN in uu ka qayb galay mudaharaadka ka dhacay Aqalka Cad si uu u cambaareeyo tarxiilka Ábrego García. Wuxuu rumeysan yahay in Trump "si sahlan u cadaadin karo El Salvador si loo soo celiyo."

 

Warbixinaha guud ahaan waxay sheegeen in mudaharaadyadu ahaayeen kuwo nabadeed, inkastoo Wakiilka Congress-ka Suhas Subramanyam oo Dimuqraadi ah uu bartiisa X, ee horrey loo oran jiray Twiter uu soo dhigay muuqaal muujinaya nin sito calaamad taageero u ah Trump oo xoog ku dhex maraya dadkii si uu si caro leh ula hadlo.

 

Mudaaharaadayaal badan ayaa watay boorar ay ku qornaayeen "No Kings" ("Ma jiro Boqor"), taasoo oo ay ku muujinayaan sannad-guuradii ka soo wareegtay markii uu dalka ka bilaabmay kacdoonkii lagaga soo horjeeday xukunkii Ingiriiska.

 

Intii lagu jiray dabaaldegyadii ka dhacay Massachusetts oo lagu xusayay dagaalladii Lexington iyo Concord iyo safarkii caanka ahaa ee Paul Revere, dadku waxay sidoo kale siteen boorar la mid ah. Waxaa sidoo kale Sabtidii dibad-bax ka dhacay magaalada Boston oo qayb ka ahaa dhaqdhaqaaqa 50501.

 

"Xilligan waa mid aad khatar ugu ah xorriyadda gudaha Mareykanka," ayuu yiri Thomas Bassford oo la hadlay wakaaladda wararka ee Associated Press, isaga oo Boston jooga oo la socda lammaantiisa, gabadhiisa iyo laba wiil oo uu awoowe u yahay. "Waxaan doonayay in wiilashu ay bartaan asal ahaan dalka sidan uu ku yimid, iyo in mararka qaar ay tahay in xorriyadda loo dagaalamo.

 

Sahankii ugu dambeeyay ee shirkadda Gallup samaysay ayaa muujinaya in 45% codbixiyeyaasha ay oggol yihiin qaabka uu Madaxweyne Trump u shaqeynayo saddexdii bilood ee ugu horreysay xafiiskiisa, taasoo ka badan 41% tii la diiwaan geliyay isla muddadaas markii uu markiisii hore xukunka hayay.

 

Si kastaba ha ahaatee, tani weli waxay ka hooseysaa celceliska heerka oggolaanshaha ee madaxda Mareykanka ee la doortay intaii u dhexeysay 1952 ilaa 2020, oo ahaa 60%. Sumcadda Trump waxay u muuqataa inay si tartiib tartiib ah hoos ugu sii dhacayso, gaar ahaan marka laga eego dhinaca dhaqaalaha. Markii uu xafiiska la wareegay bishii Janaayo, Gallup waxay sheegtay in oggolaanshihiisu ahaa 47%.

 

Sahan kale oo ay sameeyeen Reuters/Ipsos ayaa sidoo kale muujiyay in oggolaanshihiisa hoos ugu dhacay 43%, laga soo bilaabo 47% maalintii caleemo-saarkiisa. Isla sahankaas, kaliya 37% ayaa oggolaaday sida uu u wajahayo dhaqaalaha, iyadoo 42% ay taageersanaayeen arrintaas maalintii uu xilka la wareegay.

 

Horaantii bishan, boqolaal kun oo Mareykan ah ayaa isugu soo baxay si ay u muujiyaan diidmo ballaaran — taasoo noqotay bannaanbixii ugu weynaa ee qaranka tan iyo markii Trump mar kale Aqalka Cad ku laabtay.

 

Mudaaharaadyadaas oo ka baaxad weynaa kuwa Sabtidii dhacay ayaa laga qabtay 1,200 goobood oo ku yaalla dhammaan 50-ka gobol ee Mareykanka.

     
Loading...