*N.B Nin Reer U Weyn Iyo Umuliso, Mid-na Siduu Wax Og-yahay Uma Sheego!
Nin loo han-weynaa baa siduu wax u wado la saluugay, debeed nin ay saaxiib ahaayeen ayaa laga waraystay, oo la yidhi waar ninkii aad saaxiibka ahaydeen, beryahan waanu garan la'nahaye maxaa si ah? Halkii laga filayaa in uu wax sheego, ilayn isaga baa igu dhawe, uu dadka wax fahan-siiyo buu af-buuxa ku yidhi " Nin Weyn Baan Ahoo Warmi Maayee, Waxan Arkay Waaba La Ogaan" Horta anigu saaka halka uu nin-kaasi joogo baan la taaga-nahay, waxa hore loo yidhi " Nin Reer U weyn iyo Umuliso, Mid-na Siduu Wax U Og-Yahay Uma Sheego" Ee maxaa khaldan.
Askriggii dalka burburiyey miyaa Cirro tallo saxa siinaaya Cirro?
Askarigu miyaanu ahayn:-
(1) Kii Sool ku xasuuqay 2000 oo shicib ah, ee xataa madaafiicdda la dhacay dhakhtaraddii, ilihii biyaha, isgaadh-siintii, ee guryii dan-yarta dhulka la simay.
(2) Miyaanu ahayn kii 50,000 bara-kiciyey, ee cidladda wadhay.
(3) Miyaanu ahayn kii isaga laf-tiisa ( Waa Cirro'e) Mudaaharaadkii Baabuurka jiidh-siinaayey, ee shicibkii iskaga gudbeen,
(4) Waa kii ciidanka qaranka jebiyay, 32 sano la dhisaayey,
(5) Goboladdii Sanaag Bari iyo Sool ka jaray S/Land.
(6) Isku keen direy, si uu u kala xado, oo aanay isu aaminin.
(7) Hantiddii Ummadda boobay, oo waa milyaneer.
(8) Baloodhaddii dan yarta iibsaday.
(9) Dhulkii danta guud xaraashay,
(10) Doorashaddii 2 sanodib u riday, weliba rabay in mar kale la sharaxo.
(11) Hablaha naaska feedh-jilibka kala dhacaayey,
(12) Ragga xiniin-yah kabaha waaweyn kala dhacay ee laga saaray,
(13) xildhi-baanaddii barkhad, muniir iyo food rasaasta lugaha kala dhacay.
(14) siyaasiyiintii sidda Cukuuse xidh-xidhay,
(15) Madax-dhaqmeedkii iyana xidhay sidda Cade-Gude, Buur-madaw yidhi sooma geli karo dalka,
(16) 25 Hablood oo 5 caruus tahay jeelka dhigay.
Adba waad yaabi, Bal akhristaw noo sheeg kaasi taladda uu siinayaa waxay tahay? Waa mid lagu jabo saw maaha, oo lagu wiirsado. Miyey kula tahay in uu daacad ula talinayo? Jawaabtu waa maya iyadda oo iska kooban.
Askarigu 7-dii sano ee uu joogay
Isagaa sababay dhibaatooyinka maanta wadda taagan
Waa maxay taladda uu maanta keenayaa ee 7ddii sano laga waayey?
Muxuu kala tashanayaa?
Muxuu ku soo kordhinayaa?
Nin ku fashilmay maamul 7 sano ah
Ayaan wax wydiinaya anigu uma arko caqli sax ah. Muxuu ku soo kordhinayaa ee uu hayaa?
Waa wax la yaab leh, bal ka hayaw noo sharax waxa uu askarigu ku biirin karo Cirro, ee uu intaas oo sano keeni kari waayey? Ka jawaaba su'aalahan indinka baan idiin daayeye.
*N.B Nin Reer U Weyn Iyo Umuliso, Mid-na Siduu Wax Og-yahay Uma Sheego!
Abdi-Shotaly.