Sheekh Dirir Oo Ka Hadlay Xarunta Dhaqanka Iyo Xildhibaanno socod Mijo Baxsi iyo Ishaafalato Ah Ku Tegay Xaruntaas

Sunday August 15, 2021 - 12:49:10
Sheekh Dirir Oo Ka Hadlay Xarunta Dhaqanka Iyo Xildhibaanno socod Mijo Baxsi iyo Ishaafalato Ah Ku Tegay Xaruntaas


Sheekh Maxamed Cumar Dirir oo kamid ah culimada waa weyn ee reer Somaliland ayaa markii u horeysay ka hadlay cabashooyinka laga muujinayey muddooyinkii ugu dambeeyey xarunta dhaqanka Magaalada Hargeysa,taas oo inta baddan lagu eedeeyey wax-yaabo ka soo horjeeda shareecada islaamka,

Faa'idooyinka Laga Helo Fahanka Diinta Sheekh Dirir - YouTube

Sheekh Dirir oo arrintaas ka hadlaya ayaa sheegay sidan:-"Xaruntan dhaqanka ee laga cabbanayo iyada iyo meel kastaba oo lagu hayo wax kasta oo shareecada khilaafsan maamulku waxa uu u xil saran yahay in ummadda laga horjoogsado ama waxaa lagu hayo laga saaro ama haddafka baydhsan ee dadkaas ku hayaan laga bad-baadiyo ,waa dadka masuuliyiinta ah waxay u xil saran yihiin ee ay u dhaarteen in dadka ay u ilaalinayaan diintooda iyo dalkooda iyo amaanooyinkooda oo dhan .”ayuu yidhi

Dhanka kalene Sheekh Dirir ayaa sheegay in Xukuumadda looga baahan yahay inay baadhitaan ku samayso xaruntaas,isla markaana loo baahan yahay in arrintaas la derso "Markaa haddii ay cabasho timaado waa in daraasad la sameeyo oo la yidhaah waxan maxaa ka xun ,haddii ay caddaato waxaa ka xun ee la sheegayaa waa in waxaa meesha laga saaraa oo innaga dhaqankeenii waa dhaqan islaami ah oo huffan dhaqamo shisheeye in la soo waarido oo la yidhaah wax ayaa laga raadinaya ama waa lagu il baxayaa waa arrin aad u qalad ah .”


Waxa uu intaas ku sii daray sheekh Maxamed "Had iyo jeer marka ay Bulshadu wax diido waa in la dhegaysto ,masuuliyiintuna dhegaystaan cidda waxaa lagu tuhmayaana dhegaystaan wixii ceeb iyo qalad iyo dembi ah deg deg loo saxaa.”ayuu yidhin.


Geesta kalene xubno ka tirsan Xildhibaannada Golaha Guurtida gaar ahaan guddida joogtada ah ayaa shalay socdaal iskugu jira mijo baxsi iyo ishaafalato,isla markaana u muuqda mid siyaasadeed oo lagu dambabasayo xalada jirta ku tegay xaruntaas "waxaanu soo bookhanay xarunta dhaqanka Hargeysa oo beryahan-ba hawsheedu ay aad iyo aad ugu badnayd Somaliland ,waanu waraysanay oo guddo iyo debad-ba waanu galnay,wixii aanu halkaas ku arragnay waxaanu u geyn-doonnaa Golaha .”ayuu yidhi Xildhibaan Dayib Xasan



     
Loading...