Qiso xanuun badan oo ay la kulantay Rowdo Cabdi Xasan.

Tuesday August 10, 2021 - 11:44:48
hadhawanaagnews
MAXAA IGA QABSADAY QALIINKII?


May be an image of 1 person, sitting and indoor

18/10/2020 ayaa qaliin la igu sameeyay waxaana qaliinkaas igu sameeyey isbitaalka Sulub hospital oo ku yalaa taleex.

qaliinkeyga ayaa wuxuu ahaain laga saaro xameetida oo dhagax in uu iiga jiro dhaqaatiir ilaa sedex Isbitaal ahna ii xaqiijiyeen inaan ahay qalin.

tabarteyda dhaqaale aweed iyo danta oo iciishay qaliinkii ayaa igu adkaaday mid ka mid ah saxiibadeyda ayaa ii sheegay in uu jiro dhaqtar lacag la.aan ku qala dadka oo fiican.,

kama laba labeeyn inaan galo qaliinkaas maadamadhaqaatiirtii hore qaar ay ii qabteen afar iyo labaatan saac inan iskagaga saaro xameetida hadii kale nolosheydu qatar ku jirto.

Dr Sulub oo ah Dr-ka kashaqeeya isbitaalka isaga ku magacaaban ee Sulub Hospital ayaan u tagaywuxu ii sheegay inan ahay "qaliin"

baaritaan kadib go,aan ayaan qaatay maadama cabsi igu jirtay taas oo ah inaan haysto 24saac kaliya,

qaliinkeyga waxa uu qaatay Afar saacadood.

Maxaa dhacay qaliinkeygii kadib?

Isbitalka waxa aan ku jiray afar maalin

intaas kadib gurigeyga ayaan dib ugu soo laabtay.

dhaawacii markii aan kareystay

calooshii ayaa xanuun deyn weyday qaliinkeyga waxa laga jooga Toban bilood

ilaa markii xanuunka caloosha waa igu sii siyaadayay!

Asbuucan dhexdiisaayaan tagay dhaqtar waxa la ii sheegay in weli xameetidii igu jirto!!!

waan qaadan waayayilaa aan Scaning isa saaro baritankii marka aan dhameeyay waxan ku DrSulub oo ah Dr-ka qaliinka igu sameeyey.

waxaan u sheegay xaaladeyda iyo waxa igu soo kordhay waxaan tusay Scankii (Scaning) lagu cadeeynayay in ay igu jirto xameetidu.

dhacdada yaabka leh ayaa ah in uu diiday in xameeti igu jirto!!

isbitaalada aan cadeymahooda u keenanyna wuxuu ku sheegay in ay doonayan in ay aniga i Waalaan ayna yihiin kuwa Isbitaalkiisa tartan dhaqaale kula jira.

ugu danbeyn waxaan ka gudbiyay dacwad ka dhan ah Dr-kaas.

Waxaan rajeynaya Hay'addaha Garsoorku in ay kiiskeyga hab cadaalad ah u wajahaan.


Rowdo Cabdi Xasan.



     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...