Hargaysa (HWN) Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi "Cabdiraxmaan Ciro” ayaa seegay in ay Somaliland ku soo socdaa saddex doorasho, xisbi ahaana ay diyaar uyihiin doorashooyinkaasi soo socda, isagoo intaasi raaciyay in xisbigiisu diyaar uyahay dhamaan doorashooyinka soo socda.
Gudoomiye ciro ayaa
sidaasi ku sheegay, qoraal uu baahiyay oo udhignaa sidan:-
"Dalka waxaa ku soo socda 3 doorasho oo kale, doorashada 1aad waa doorashadii golaha guurtida oo ah inay ku qabsoonto sanad gudihii oo ka bilaabmaya 31-may, doorashada labaadna waa doorashada madaxtooyada oo iyaduna ku beegan 13 nov 2022, doorashada 3aad-na waa tii ururada siyaasada. sadexdaba anagu diyaar baanu u nahay ninkii wax isla hayaa banaanka ha u soo baxo”. Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro