Dawlada Turkiga Oo Ka Hadashay Eedaymo La Xidhiidhiyey Falal Ay Ku Kaceen Ciidamada Gorgor Iyo Haramcad Ee Soomaaliya

Wednesday May 19, 2021 - 07:02:58
Dawlada Turkiga Oo Ka Hadashay Eedaymo La Xidhiidhiyey Falal Ay Ku Kaceen Ciidamada Gorgor Iyo Haramcad Ee Soomaaliya


Xukuumadda Turkiga ayaa iska fogeysay in ay mas'uul ka tahay falalka lagu eedeeyay ciidamada ay u tababartay dowladda Federaalka ee Soomaaliya, kadib cabasho ay dhawaan u gudbiyeen siyaasiyiinta mucaaradka.

Ciidanka Haramcad

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo Gorgor oo uu soo carbiyay Turkiga ayaa lagu eedeeyay in ay awood xad-dhaaf ah u adeegsadeen mucaaradka oo uu khilaaf ku aaddan arrimaha doorashada kala dhexeeyay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Mucaaradka ayaa ku eedeeyay ciidamadaas in ay ku lug lahaayeen iska horimaadyo ka dhacay Muqdisho 19-kii February iyo 25-kii April ee sanadkan, kuwaas oo khalkhal geliyay ammaanka caasimadda.

Mucaaradka ayaa u sheegay Turkiga in gaadiidka gaashaaman ee uu ku taageeray ciidamada Soomaaliya "loo adeegsaday caburinta shacabka halkii looga faa'iideysan lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab."

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga ayaa qoraal ay u dirtay BBC Turkish ku sheegtay inay jiraan dad magac xumeyn ku sameynaya dedaallada ay xukuumadda Ankara ku taageerayso Soomaaliya.

"Waxaan ka war haynaa dad wada olole lagu wiiqayo sumcadda Turkiga ee gudaha Soomaaliya, waxaana la og yahay in dadkaas ay doonayaan in dalal kale ay ku lug yeeshaan doodaha siyaasadda ee gudaha, balse isku-daygooda ayaa ah mid guul-daraysanaya," ayaa lagu sheegay qoraalka.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidamada uu Turkiga tababaro ay hoos tagaan Ciidanka Xoogga Qaranka ee Soomaaliya ayna mas'uul ka tahay dowladda Federaalka.

Turkiga ayaa beeniyay in saldhig ciidan uu ku leeyahay gudaha Soomaaliya ama ay ciidan ka joogaan dalka, isagoo tilmaamay in xerada TURKSOM ay tahay mid tababar oo lagu carbiyo milateriga Soomaaliya.

"Iskaashiga dhanka ammaanka ah ayaa kamid ay taageerada dhinacyada badan leh ee aan u fidino Soomaaliya. Gargaarka bani'aadannimo iyo kan horumarinta ee aan illaa hadda Soomaaliya siinay waxa uu ka badan yahay 1 bilyan oo dollar. Turkiga waa uu sii wadi doonaa dedaalladiisa Soomaaliya si dalkaas uu u helo nabad waarta iyo xasillooni.

Taageerada milateri ee Turkiga

Turkiga ayaa ciidamada Soomaaliya tababar ku siinayay xerada TURKSOM tan iyo sanadkii 2017, kadib heshiis milateri oo ay kala saxiixdeen labada waddan.

Turkiga ayaa rajeynaya in Soomaaliya uu u tababaro illaa 15 kun oo askari, si ciidamada xoogga dalka ay ula wareegaan ammaanka waddanka ay colaaddu ragaadisay.

Ujeedka laga leeyahay ciidamadaas ayaa ah in ay sugidda ammaanka dalka kala wareegaan ciidamada AMISOM oo lagu waday in sanadkan 2021 ay billaabaan qorshaha ay uga baxayaan dalka.

Xooggaga Al-Shabaab ayaa ah khatarta amni ee ugu weyn ee xilligan haysata Soomaaliya, waxaana ururkaas uu doonayaa in dalka uu ka hirgeliyo dowad ku dhaqanta Shareecada Islaamka qaabka ay iyagu u rabaan.


Qoraalka ayaa lagu sheegay in Turkiga uu dowr hormuud ah ka qaatay dedaallada caalamiga ah ee lagu dhisayo "ciidamo nidaamsan, anshax leh, isla markaana mideysan oo ay leedahay Soomaaliya".

Sida ku cad xog ay heshay BBC Turkish, kun qori oo ah nooca G3 (faal) iyo 90 kun oo rasaas ah ayuu Turkiga u diray Muqdisho 26-kii December 2020. Hubkaas ayaa la sheegay in loogu tala-galay inay ku tababartaan ciidanka Soomaaliya, laguna keydiyay xerada TURKSOM.

Ciidanka Haramcad

Ciidanka Haramcad oo katirsan booliska Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa la asaasay markii uu xukunka qabtay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waana ciidan si gaar ah loogu tababaray ka hortagga rabshadaha iyo dagaallada ka dhaca magaalooyinka.

Ciidankan oo tiro ahaan lagu qiyaasay kun askari ayaa waxaa tababaray dowladda Turkiga oo gudaha dalkeeda u qaada, halka qaarna ay tababarka ku qaataan xerada TURKSOM ee Muqdisho.

Inta badan hubka ay wataan ayaa ah mid fudud, waxaana ay u carbisan yihiin shiishka iyo hawlgallada qorsheysan.

Tuutaha ay wataan askarta Haramcad ayaa ah mid ka duwan ciidamada kale ee booliska, waxaana intooda badan ay horay uga tirsanaayeen ciidanka nabadsugidda ee NISA, sida uu BBC-da u sheegay Cabdisalaam Guuleed, taliye kuxigeenkii hore ee NISA.

Ciidamadan oo waayihii dambe soo shaac baxay ayay dad badan dowladda ku dhaliileen inay u adeegsato dano siyaasadeed, cududda ciidmaadanna loo baahnaa in loo adeegsado dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Ciidanka Haramcad ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa ciidankii la geeyay magaalada Baydhaba xilliga doorashada Koonfur Galbeed, waxaana sidoo kale loo daabulay qeybo ka mid ah gobolka Gedo.



     
Loading...