Komishanka Tamarta Qaranka Somaliland waa hayada loo baahnaa isla markaan in badan la nawilayay oo waxqabdkiisa ay sugaysay bulshada dalka oo dhan gaar ahaan kuwa ku dhaqan Hargaysa.
Komishankan oo shaqdiisu tahay inay hoos yimadaan dhamaan shirkadaha bixiya
adeega korantada (laydhka) ayaa waxay Bulshada ku dhaqan Somaliland baahi weyn uqabaan inay helaan adeeg koranto oo dhamaystiran
islamarkaana qiimo jaban.
Adeega korantada Hargeysa waxaa uu kooto ugu xidhanyahay Shirkad gaar loo
leeyahaya oo la yidhaa Sompower.
Sompower waa shirkad ka kooban shirkado yar oo isku tagay taas oo ay ku jirto
Hayadii korantada Dawladu oo ay ku wareejisay xukuumadii hore ee madaxweyne
silanyo iyadoo isla xukuumadaasina kootada uga xidhay laydhka caasimada inaanay
shirkad qudhaati xadhig cusub jiidi Karin ama aanay dab cusub keeni Karin meel
aanu hore dabkeedu u joogin ama aanu uga shaqayn jirin shirkadii falkaa ku
kacadana ay ku dhacaday danbi, markii ay wareegtadaasi soo baxdayna waxay
fursad siisay shirkada Sompower madaama oo ay ahayd shirkada ugu balaadhan ee
korantada ugu badan siisa bulshada ku dhaqan caasimada koonayaasha magaaladu u
sii fidaysana shirkada qudhaata ee la sii fidaysana waa Sompower madaama iyada
oo qudhaata laga helaya koonayaasha magaalada.
Fursadaha kale ee ay heshay Shirkadan kootada loogu xidhay laydhka caasimadu
waxaa ka mid ahayd kadib markii ay doorashadii madaxtooyadu dalka ka dhacaday
dabyaqadii 2017 taas oo uu talada dalaka
ku gulaystay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa uu wasaaradii Tamarta iyo
macadanta uu usoo magacaabay Mudane
Jaamac Xaaji Maxamuud oo ahaa Guddoomiye ku xigeenkii Shirkada korantada ee
Sompower Ka dib markii wasiirka la
magaacabay waxa uu fursad uu siiyay shirkadii uu ka tirsanaa
in ay soo dajisato sollar ay kadhaliso laydhka islamarkaana ay rakibato oo ay
xadhiga solarka dabka ka qaadayana ay u qaybiso magaalada si uu dhimo qarashkii
faraha badanaa ee kaga bixi jiraya shidaalka ay korantada ka dhaliso sidoo kalena wuxuu dagaal cad ku qaaday shirkadihii
kale ee Adeega laydhka bixin jiray ee iyaguna lasoo dagay solarnka wuxuu iska hortaagay inay
ka shaqaysiyaan qalabka ay la soo dageen ugu danbayntiina waxa uu gaadhay dagaalkii
Wasiirku kula jiray shirkadahaa kale heer
uu joojiyo wadshaqaynta wasaaradu la lahayd qaar ka mid ah shirkadahaas.
Maxay Tahay Fariinta aan u dirayo
Komishanka Tamarta
1: inay soo celiyaan xoriyadii laydhka ee ahayd in meelkastoo magaalada ah
laga helo shirkado tartan ku jira oo bixiya adeega korantada.
2: Inay dhex u noqdaan Shirkada bixiya adeega korantada oo aanay midna garabka
saarin
3: Inay sameeyaan xeerar kala hagaya shirkadaha korantada bixiya.
4: Inay hindisaan qaab cusub oo ay shirkaduhu u fidiyaan adeegooda korantada oo
aan ahayn qaabkan ay magaaladu xagga sare ka dabaysan tahay.
5: Inay ka shaqeeyaan sidii Bulshada Caasimadu u heli lahayd Adeeg koranto oo
dhamaystiran islamarkaana qiimo jaban ay ku helaan.
6: inay ka shaqeeyaan sidoo loo hubin lahaa xirfada Shaqaalaha ka shaqeeya
shirkadaha bixiya Adeega Kornatada dalka.
W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!