Madasha Xisbiyada Qaran Madoonayaan Siyaasad Dagan{Salaad Cali Jeele}

Thursday September 17, 2020 - 10:07:13
HADHWANAAGNEWS
Salad Cali Jeelle ayaa sheegay in xiligaan aan loo baahnayn in dalka la galiyo


XASAASI + DAAWO VIDEO: Salaad Cali Jeelle oo dhulka ku jiiday madaxdii isugu tagtay Kismaayo, una jawaabay…

Siyaasiga Salad cali Jeelle ayaa eed kulul u jeediyay Madasha Xisbiyada Qaran, waxaana uu shegay in hatan ay mas’uuliyiinta Madashu u muuqdaan kuwo aan dooneyn xal siyaasadeed la gaaro.

 

Waxaa uu sheegay in ay iska hor keenayaan umadda Soomaaliyeed, oo ay doonayaan xiligaan la galo qalalaase siyaasadeed oo hor leh.

Salad Cali Jeelle ayaa sheegay in xiligaan aan loo baahnayn in dalka la galiyo jahwareer siyaasadeed, madasha ayuu sheegay in xiligaan looga baahnaa in ay soo dhaweeyaan oo ay bogaadiyaan wada hadalada u socda dowladda iyo Madaxda dowlad Goboleedyada, balse taa baddel keeda waxaa uu sheegay in ay ku howlan yihiin kicin dad weyne iyo iska hor keened Bulsho.

 

Hadalka Siyaasiga Salaad cali Jeelle ayaa imanayaa iyadoo madasha Xisbiyada Qaran ay soo saareen war murtiyeed ay kaga hadlayaan arrimaha doorashooyinka iyo xaaladda siyasadeed ee dalka, waxaana eedo culus ay dusha kaga tureen maadxweyne farmaajo oo ay sheegen in dalka uu waqti ka luminayo, uuasana doonayn xal rasmi ah in la gaaro.

     
Loading...