Dr. Adna Aadan oo Iftiimisay Ahmiyadda Doorashooyinka Wakiillada Iyo Deegaanka

Thursday August 13, 2020 - 18:37:46
Dr. Adna Aadan oo ka hadashay Qabsoomida Doorashooyinka Wakiillada Iyo Deegaanka

Hargeisa(HWN):-Ergayga gaarka ah ee Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Marwo Adna Aadan Ismaaciil, ayaa ka hadashay muhiimadda ay Somaliland u leeyihiin doorashooyinka is barkan ee Wakiillada iyo Deegaanku.


Dr. Adna Aadan Ismaaciil waxa ay si qoto dheer u sharaxday muhiimadda ay leedahay qabsoomida Doorashooyinka Somaliland ee Wakiillada iyo Deegaanku, waxaannay sheegtay inay si wayn wax uga tarrayso Geeddi-socodka Dimuqraadiyadda.

"Halkaa aynu maanta joogno maynaan soo gaadhnayn, coddow wayn oo xoog badanna ismaynu celinayn haddaynaan meel u wada jeeddin. Maanta waxa innagu soo fool leh Doorashooyinkii, waxaan rajaynayaa inaad muujisaan ficilkii la innagu yaqaannay, dad-baa yidhaahda waa dawlad yar, waa dad yar, markaa waxaan doonnayaa inaad tiraddeenna muujisaan, waxaan doonayaa in adduunku ogaaddo in aynu nahay Ummad isku duubban oo danahoodda meel uga soo wada jeedda, waxaan doonayaa in adduunku ogaaddo in aynu mustaqbalkeenna innagu dhisanay oo aan meel kale waxba innooga iman."

Dr. Adna Aadan waxa ay Hambalyo u dirtay Munaasibadda dhalinyaradda adduunka awgeed dhalinyaradda reer Somaliland, waxaannay farriimo Waanno iyo hogo-tusaalayn ah la wadaagtay Dhalinyaradda Somaliland, iyaddoo dhalinyaradda ku guubaabisay inay Aqoonta ku deddaalaan si ay Naftoodda iyo Dalkooddaba wax uga tarraan.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

     
Loading...