Siyaasi Xuseen Aadan Cadde Oo Shaaciyay Inuu Yahay Murashax u taagan doorashadda Wakiillada Ee 2026

Sunday March 16, 2025 - 17:40:38
Siyaasi Xuseen Aadan Cadde Oo Shaaciyay Inuu Yahay Murashax u taagan doorashadda Wakiillada Ee 2026

Hargeisa(HWN):-Siyaasiga Xuseen Aadan Cadde oo ka mid ahaa Xildhibaannadii u ordaayay doorashadii golaha Wakiillada ee Somaliland, sanadkii 2021-kii, oo ka sharaxnaa Xisbiga talada haya ee WADDANI, weliba Xubnihii ugu firfircoonnaa ee loo saaddaalinaayay inuu ka mid noqdo Xildhibaannada kurraastoodda ku soo bixi doonta ayaa guuldaraystay, kadib markii ay Xukuumaddii waaggaas talada haysay ee KULMIYE ay Xisbigeedda ka sharaxnay Nin lagu magacaabo Xariir Xirsi Addar, taasoo keentay in beelihii kursigaas lahaa (Reer Cali iyo Ahmed Cabdalle), ay kala qaybsamaan, isla markaanna doorkii Dhaqan beeshaas ee kala reebi lahaanna ay Xukuumaddii Muuse Biixi ku ammartay inay Murashax Xariir Xirsi Addar la saftaan, siddaana uu doorashaddii kaga qayb-galay Murashax Xariir oo damac indho la’aanna ku socday, balse buuq, khilaaf iyo loollan adag oo lagu kala jiidannaayay bulshadda labadii dhinac-ba waa guuldaraystay, waa ka dhacday Dhegley ku shub dhan-walbaa ha qaddee.

No photo description available.


Dhaqankii beelahaas Reer Cali iyo Ahmed Cabdalle, Siyaasigii, Aqoonyahankii, Dhalinyaraddii waxa la awooddi waayay iyaddoo labadda Wiilba ay labaddeenii Wiil yihiin in la yidhaahdo waar hebalow waad qaldan tahay oo hebelkani wuu kaaga soo horreeyay jaanniskee addeerow aannu kuu ducaynee kalka danbe sug oo Kursiga beesha ha seejin oo codkeedda ha kala jebin, balse waxay noqotay in Xariirna uu Xukuumaddii Muuse Biixi iyo XIsbigeeddii KULMIYE uu dabadda geliyay oo wax walba diidday, Siyaasi Xuseen Aadan Caddena la yidhaahdo waar Calafkaaga ka qaad, ninkaasi wax walba waa ku soo talo-galaye.

Haddaba, doorashadda golaha Wakiillada ee foodda innagu soo haysa Sannadka 2026-ka oo Saggaal billood innaga xiggaan Siyaasi Xuseen Aadan Cadde waxa uu caddaynayaa inuu mar kale u sharaxan yahay Kursiga golaha Wakiillada ee gobolka Maroodijeex.

Sidaas daraadeed, waxaannu la socod-siinaynaa beelaha bah-wadaagta ah ee Ahmed Cabdalle iyo Reer Cali inay u diyaar-garoobbaan siddii ay ula soo bixi lahaayeen Kursiga matalaadooda golaha Wakiillada, iyaddoo laga fogaannaayo is-dhex yaac iyo talo xumo danbe oo dhaxalkeeddu noqdo Kursigoo la waayo siddii dhacday doorashaddii kal hore ee 2021-kii.

Siyaasi Xuseen Aadan Cadde oo shacabkiisii, Madaxweynihiisii iyo Xisbigiisii isla helay doorkan waa soo baxayaaye wuxuun baad ka foggaataan wixii tafaraaruq ku keennaaya guud ahaan-ba labaddaas beelood ee Kursigaas wada doorta.

Sidoo kale, waxaannu idinku war-gelinaynaa in Xildhibaan Xuseen Aadan Cadde uu safar ku soo yahay oo uu toddobaadyada soo socda imaanayaa Caasimadda Hargeisa ee xarunta Jamhuuriyadda barakaysan ee Somaliland, waxaannu leennahay si diirran u soo dhaweeya Siyaasi, Xildhibaan Xuseen Aadan Cadde iyo Weftigiisaba haddii Alle Idmo.


     
Loading...