Hadalkii Coldoon Ee In Hooyadii La Xidhnayd Iyo Xasuusta Marar Ay Hooyaday Isoo Booqatay Aniga Oo Maxbuus Ahaa!

Sunday June 07, 2020 - 10:01:57
Hadhwanaagtv
W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr

Hadalkii uu Cabdimaalig Muuse Coldoon jeediyay markii la soo daayay waxa saamayn badan igu yeeshay intii uu kaga hadlay inay hooyadii la xidhnayd. Hooyo Faadumo Rooble Xuseen, oo maaamo u ah Cabdimaalig, waxa aanu isu raacnay Mandheera 5tii Ogos 2019ka. Walaw ay tahay hooyo adkaysi badan, haddana waan dareemayay dhibta haysata. Inta ay Burco ka timi ayay Hargeysa timi, Mandheera ayay ku noqotay, waana loo diiday.

 

Galabtaas aan wada soconnay aniga, Ahmed Hiigsi Fog, Mustafa Odowa, Fadumo Saleebaan Coldoon iyo hooyo Faadumo Rooble Xuseen ayaa la oggolaaday in aanu aragno Cabdimaalig Muuse Coldoon. Waa galabta aan xilka ugu badan iska saaray sii-deynta iyo ololaha maanta hirgalka noqday ee Eebbe rumeeyay.

 

Qofka keliya ee aan ka warwareego inaan waco ama la xidhiidho qoyska Coldoon ayay ahayd, waayo hadalka iyo xasuusta wiilkeeda xidhani waxa uu ku kicinayay taws aan dareemayo in aanay ka muuqan, balse ay laabta iyo maskaxda ku hayso. Galabta ayaan wacay Hooyo Faadumo Rooble Xuseen, aniga oo ugu hambalyeeyay sii-deynta wiilkeeda Cabdimaalig Muuse Coldoon.

 

Weedhihiisi waxa ay isoo xasuusiyay mar aan xidhnaa iyo hooyaday oo ahayd qofka keliya ee hadalka iyo booqashadeedu i saameeyo. Aniga oo markaas xidhnaa 85 cisho, galabnimo Sabti ah, 12kii Nofember 2016ka ayaa aan qoyska iyo ehelada ku war-geliyay in aan cuntada ka soomayo.

 

Waxa aan dhambaal u diray dad badan oo ka mid ah xigaalkayga dhow, aniga oo leh "Wallaalayaal, Ilmaadeerrayaal, maanta laga bilaabo cuntada waan ka soomayaa wallaahi. Ka I haystana ku daawada dhagarta uu faraha kula jiro ama tallaabo ka qaada”. Dhambaalkani waxa uu ruxay qalbiyo badan. Qof ahaanna waa ay iga go’nayd in aan cuntada joojiyo, waayo waa tallaabo muujinaysa sida aan uga xumahay tacaddiga la igula kacay.

 

Waxa isla fiidnimadii ii timi hooyaday oo ka ergaysay inaan ka laabto goaanka, aniga oo ilmaynaya ayaan aqbalay farriinta hooyo. Waxa ay ahayd markii afraad ee ay hooyaday xabsiga iigu timaaddo. Aniga ayaanba qof ahaanba xasili Karin marka aan hooyaday dhaayaha saaro.. Haddii ay cid kale isoo booqato waan adkaysan jiray, waan la doodi jiray oo arrinka ay ka hadlaanba la lafaguri jiray.

 

Laakiin waxa isku lammaanaa aragtida hooyo iyo ilmada indhaha ka qubanaysa. Mooyi, inta xiniinyaha adkaysigu iga baxaan ayaan nuglaan jiray. Saddex goor oo ay ii timi waxa aan la ooyay galgacalka waalidnimo. Hal mar oo ahayd subaxnimadii kowaad ee aan xabsiga ku waaberiisto ayaan ragannimo muujiyay. Maalmaha kale oo dhanna waan is-hayn kari waayay. Waa muuqaallada ugu tiiraanyada badan ee maanka ku soo noqda.

 

Ilaahay dhammaaan hooyooyinka ha inoo daayo.

 

W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...