‎Dadka waxey in badan xasuustaan qaladkaaga marka loo eego inta ay xausuustaan wanaagaaga

Wednesday January 14, 2026 - 10:09:52
HADHWANAAGNEWS
Ka sheekaynta khaladka qof kale ‎

Sababtoo ah maskaxdu waxay u aragtaa qaladka qofka, sheeko xiiso leh oo kicinaysa dareenka iyo hadal-heynta.

‎Cilmu-nafsi ahaan, dadka badankood waxay ka helaan:

‎Ka sheekaynta khaladka qof kale

‎Falanqaynta guuldarradiisa

‎Iyo isbarbardhigga naftooda iyagoo hoos u dhigaya dadka kale

‎Sidaas awgeed, guuldarradaada ama khaladkaaga inta badan dadka uma arkaan cashar, ee waxay u arkaan madadaalo (entertainment)

‎Haddaba: Haku luminin tamartaada inaad qof walba qanciso, hana u ogolaan aragtidooda inay go’aamiso jihadaada

Qofka horumara waa kan:

‎> Fahma in aragtida dadka ay ka tarjumayso iyaga ra'yigooda, ee aanay ka tarjumayn adiga qofka aad tahay.

‎Sidaa darteed, diiradda saar cibaadada alle, danahaaga & yoolkaaga — maxaa yeelay kuwaas ayaa ah waxa kaliya ee noloshaada wax ka beddeli doona.

‎‎وَإِن تُطِعْ أَكْثَرَ مَن فِي الْأَرْضِ يُضِلُّوكَ عَن سَبِيلِ اللَّهِ‎

‎(Al-Ancaam: 116)

‎قال رسولُ الله ﷺ:

‎«مَنِ الْتَمَسَ رِضَا اللَّهِ بِسَخَطِ النَّاسِ، رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ وَأَرْضَى عَنْهُ النَّاسَ

‎وَمَنِ الْتَمَسَ رِضَا النَّاسِ بِسَخَطِ اللَّهِ، سَخِطَ اللَّهُ عَلَيْهِ وَأَسْخَطَ عَلَيْهِ النَّاسَ»

‎???? رواه الترمذي

Xigasho Abdifitah Dahiye

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...