askariga la
yidhaaho "Geenyo Shaaximani" ee uu doonaayey in uu ku cabudhiyo
saxaafadda, hanjaba-digaag, been aan sal ku fadhiyin iyo awood baan
leeyahay-dda ahayd, isaga oo yidhi 30 weriye baa musha-haaro ka qaata
maamulka Farmaajo, Wuxu yidhi Cige Aw Cali (Ihun), "Allay-lehe Hadalku
waa kaa qaldamay, waanu kaa qoyaye, oo wuu kaa qalooc-samay, siddii
qododka waaweyne, Qiimiggii af-kaaggii ka dhimay, qaana kugu reebye"
Isaga oo faraha dhooqo kula jira laf-tiisu, buu hadana afka boodhka soo
marsanaaya, oo doonaaya in uu indhaha ku soo jeedda meel kale u
tilmaamo, kiis iska waalka cayn-kaas ahi, wax soconaaya ma yahay aan is
weydiino'e? Cidda Xamar wax ku qabta ee ay siisaa lacag iyo guno, waa
labadda askari iyo kuwa kaba qaad-yadda u ah ee ay ku adeeg-taan,
sir-tooddii oo tafa-tirin baan qodob-qodob idiin hayaaye, u soo fadhiiso
adiga oo saaxiya ( ka madhan reer hebel), Waa tane iga hooya runtii, oo
cid dafiri karaysaa aanay jirine, kuna soo dhawaw arimahan hoos ku yaala, oo xaqiiq dhaba ah fud iyo faar haw kala baxdee:-
(1) Miyaanu ahayn isaga iyo ka ku shaqaystaa ee " Raggii ma adigaa
ka hadhay" Weliba ku sii dar isna Ka xilka u waashay ee loogu yeedho
Ina Waran Cade, kuwii kula shiraayey Xaramka, ee ay jini iyo insiba
daawanayeen, isaga oo derbi fadhiya askargu, kuna akhrisa-naaya wixii
laga qorey, lagana soo duubay iyaka oo wadda sawiran, aynu is weydiino'e
ma cid kale bay ahaayeen? Bal ha u sheego ummadda Geenyo Shaaximani
cidda kale ee ay ahaayeen? Alla-doori-yahaw hadalku wuu kaaga daryaaye,
dundumoo-yinkoo lala hadlaa damac ma yeeshaan dheh. Haddii cidi ku
xidhan tahay Maamulka Farmaajo ama xoolo laga siiyo waa isaga iyo, Waa
isaga iyo ka ku jira guriggii Moorgan ee madaxa ka jirane.
(2) Miyaanu ahayn kii isaga laf-tiisu Waa Geenyo shaaximane, Ina
Cali Waraabe, Jano-ka-bood ( Waa samaale'e), kuwii kiiniya kula shiray
Xusbi-yadda mucaaridka ah ee Ku ab-tirsadda Xanmar, ee markii uu
Garoonka Hargaysa ka soo degay, weriya-yaashu ay weydiiyeen, Adigoo ah
Wasiirka Gudaha Somaliland baa la shirey Xusbi-yadda Xamar ka dhisan,
beena waad ka sheeg-taan Mucaraidka, ee maxaa idina idiin fasaxay,
mucaarid-kana u diiday? Sawkii wax uu ku jawabao waayey, ee uu ina Cali
Waraabe la hadlay war-baahinta.
(3) Waa ayo kuwa hadh iyo habeen-ba wax loo soo saxeexaa, sidda
Dekedda Berbera ee imaaraadka laga iibiyey, Ma mucaraid baa ku shuqul
lahaa mise weriya-yaasha Hargeysa baa soo saxeexay?
(4) Mee Garoonkii Berbera, ee ugu dhabadda dheeraa Afrika, kuwii
ay Somaliya dhex-dhexaadi-naysay Dawladda Isu-taga Imaaraadku, miyaanay
isaga iyo xusbiga uu ka tirsan yahay ahayn.
(5) Waxa la yidhi mayd yaa ugu dambayeey? Waxa loogu jawaabay kaa
la sii sido'e. Imikadan miyaanay xadh-kaha badda laga soo jiidaayo, ee
leedahay shirkadda la yidhaadho Viber Optic, aanay jabuuti soo marinayn badda Berbera, yaa galay heshiis-kaas ee denbi-gaas iska leh? Miyaanay iyaka ahayn labadda askari?
(6) Yaa hawaddii Somaliland ka faasaxay Maamulka Xamar? Ma
war-baahintaa? Ma weriya-yaasha Hargaysaa? Ma mucaarid baa? Waayo ayo
cidda siisay maamulka Xamar ka dhisan ee lagu canaantaa?
Intaas oo keliya maaha, ee ciidaas camaaray ka badan, akhristaw
saymaha ay ku dhigeen Ummadda reer somaliland askariga iyo saaxiibkii,
ee sidda gafanaha looga soo go'ay, bogga iyo beerku ku wadda leekaaday
buurti jebelal qaaf. Waxan ku soo xidhay, Horaa loo yidhi " Ruuxii
agnaan ahi, hadalka wuu gagabi-yaaye" oo micna-heedu yahay, qofku
hadaanu hadal aqoon ahayn, ee uu iska yahay sidda isaga iyo saaxiibkii,
waxa ay sheegaan-ba way ku haftaan, oo waxa weeye xaal-koodu, bal wuxuun
iska dheh, malaha meel baad joog-taa ah madal lagu kulmaye. mase laha
wax yaab ah, waayo dameer wuxuu la hadlaana waa bacaac, wuxuu la
aamusaana sidoo kale waa bacaac, ee ha iska dharaqaamo waa
marfuucal-qalame ( Ruux malaa'iigtii garbaha ka saarnayd ay dareereene),
yidhaaheen kan wax-ba ka qori mayno, waayo caadi ma aha, oo shakhsi
dhan sansaankii ma laha, ee ha iska walaaqdo sidda ilmo dhashay baanu
denbi lahayne.
* N.B Daciif Liidi Weliggii, Beenta Waa Dudubi-yaaye!
Qore:- Abdi-Shotaly.