hadhwanaagnews Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim,
[A.S.C.W.R.W.B] Tu Khaas Ahna,
Bahda H/W Iyo Akhristayaaha.
1-Waayaha Wax Badan Baraye,
Waayo Arag Wax Weeydiiyoo,
Wakhtiga Yaanu Kaa Luminin
Wax Ma Tare Ma Weheshado'e.
2-Waayahan Aduunyaduba,
Waayeelko La Raadshiyo,
Haween Talo Ha Weydiinin,
Weynaaniyo Yaraan Maleh.
3-Maxaa Loo Wanqalay Wiilo,
Wacan Gabadhi Ay Dhaantay,
Waafi Boosh Lalama Simayo,
Wacdarahuun U Tooghayso.
4-Wadadii Midaynteenu,
Walac Yidhi Helaaceedu,
Warwareega Ka Ilaasha,
Dhanayay Ka Waydoobin.
5-Waakastaba Waayo Lehe,
Wakhti Jooga Haw Celinin,
Waa Tegay Waxaad Seegtay,
Wajibkaaga Gudo Maantah.
Ismail Handuleh.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!