Howlgalkii Qaramada Midoobay ee UNTMIS oo Si Rasmi ah u Soo Afjaray Hawlihiisii Soomaaliya

Saturday October 31, 2026 - 14:34:29
hadhwanaagnews
Xiritaanka howlgalka ayaa ku yimid codsi ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya,



Muqdisho (Hadhwanaagnews) – Howlgalka Kaalmada Ku-meelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 31-ka Oktoobar 2026 si rasmi ah u soo afjaray hawlihiisii dalka, kaddib markii la dhammaystiray muddadii labada sano ahayd ee qorshaha kala-guurka.

 

Xiritaanka howlgalka ayaa ku yimid codsi ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la raacayo qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigoodu yahay 2753 (2024) iyo 2809 (2025), kuwaas oo saldhig u ahaa dhismaha iyo habraacyada kala-guurka ee howlgalka.

 

Markii uu dhammaaday waajibaadkii UNTMIS, mas’uuliyadihii uu hayey waxaa loo wareejiyey hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha, sanduuqyada iyo barnaamijyada kale ee Qaramada Midoobay.

 

Soo afjaridda howlgalka UNTMIS ayaa calaamad u ah dhammaadka muddadii uu dalka ka waday hawlihiisa, iyadoo mas’uuliyadihii howlgalka loo wareejiyey hay’adaha kale ee ay khusayso.

     
Loading...