Asharq Al-Awsat Oo Falanqayn Ka Qortay Safarka Madaxweyne Cirro Ee Washington

Wednesday September 09, 2026 - 11:52:19
hadhwanaagnews
Sida lagu sheegay warbixinta, booqashadu waxay Somaliland ...



Washington D.C. – Wargeyska Asharq Al-Awsat ee ka soo baxa magaalada London ayaa warbixin faahfaahsan ka qoray booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu ku joogo magaalada Washington ee dalka Maraykanka, iyadoo safarka lagu tilmaamay qayb ka mid ah dadaallada Somaliland ugu jirto sidii ay u gaadhi lahayd guulo diblomaasiyadeed iyo kuwo dhaqaale.

 

Warbixinta oo ay soo turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA ayaa sheegtay in Madaxweyne Cirro muddada uu Maraykanka ku sugan yahay uu kulamo la yeelan doono masuuliyiin sare oo Maraykan ah, isla markaana uu xoogga saari doono xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee Somaliland iyo Maraykanka.

 

Sida lagu sheegay warbixinta, booqashadu waxay Somaliland siin kartaa fursad ay ku horumariso xidhiidhkeeda Washington, iyadoo mudnaanta la siinayo qaddiyadda aqoonsiga, amniga badda, ganacsiga, maalgashiga iyo xasilloonida gobolka.

 

Wargeysku waxa uu sidoo kale iftiimiyey muhiimadda juqraafiyeed ee Somaliland, gaar ahaan xeebteeda dheer ee ku taalla Gacanka Cadmeed iyo goobta istaraatiijiga ah ee ay kaga beegan tahay isku-xidhka Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya. Warbixintu waxay si gaar ah u xustay Dekedda Berbera, oo lagu tilmaamay hanti istaraatiiji ah oo muhiim u noqon karta isu-socodka ganacsiga iyo amniga badda ee gobolka.

 

Laba Ujeeddo Oo Waaweyn

 

Warbixintu oo soo xiganaysa falanqeeye siyaasadeed oo reer Somaliland ah, Cabdikariim Siciid Saalax, ayaa sheegtay in booqashada Madaxweyne Cirro ay xambaarsan tahay laba ujeeddo oo waaweyn.

 

Ujeeddada koowaad ayaa ah in Somaliland ay doonayso inay hesho aqoonsi rasmi ah oo Maraykanku siiyo, halka ujeeddada labaadna tahay in la dhiso iskaashi istaraatiiji ah oo ballaadhan. Iskaashigaas, sida falanqeeyuhu sheegay, wuxuu taaban karaa amniga, sirdoonka, ganacsiga, maalgashiga, tiknoolajiyadda iyo xidhiidhka diblomaasiyadeed.

 

Cabdikariim Siciid Saalax ayaa sidoo kale sheegay in Dekedda Berbera iyo goobta juqraafiyeed ee Somaliland ay noqon karaan tiirar muhiim ah oo lagu dhiso iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dhinac.

 

Dhinaca kale, khabiir ku takhasusay arrimaha Afrika oo lagu magacaabo Xuseen Al-Baxayri, kana tirsan Xarunta Daraasaadka Bariga Dhexe, ayaa wargeyska u sheegay in ujeeddada ugu weyn ee booqashada Madaxweyne Cirro ay tahay sidii Somaliland ay u heli lahayd aqoonsi cad oo rasmi ah oo Maraykanku ku aqoonsado.

 

Khabiirkan ayaa sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay Somaliland u leedahay istaraatiijiyadda Maraykanka, isaga oo si gaar ah u xusay goobta ay Somaliland kaga taallo marin-biyoodka Bab-al-Mandab, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, xilli gobolka ay ka jiraan xiisado militari iyo amni oo la xidhiidha Iran iyo kooxaha ay taageerto, oo ay ka mid yihiin Xuutiyiinta Yemen.

 

Somaliland Oo Doonaysa Maalgashi Maraykan Ah

 

Dhinaca dhaqaalaha, warbixintu waxay sheegtay in Somaliland ay sidoo kale doonayso inay soo jiidato maalgashi ka yimaadda Maraykanka, gaar ahaan dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta dekedaha.

 

Wargeyska Asharq Al-Awsat ayaa gunaanadkii ku sheegay in booqashada Madaxweyne Cirro ee Washington ay Somaliland u tahay fursad ay ku raadinayso laba arrimood oo waaweyn: aqoonsi siyaasadeed iyo iskaashi istaraatiiji ah oo ay la yeelato Maraykanka.

 

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in Dekedda Berbera, amniga badda, ganacsiga iyo maalgashigu ay yihiin meelaha ugu muhiimsan ee Somaliland iyo Maraykanku iska kaashan karaan, iyadoo goobta istaraatiijiga ah ee Somaliland ay kaga taallo gobolka loo arko qayb muhiim ah oo ka mid ah doodda ku saabsan iskaashiga labada dhinac.

     
Loading...