hadhwanaagnews

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey ayaa si nabad ah uga degay garoonka diyaaradaha Washington Dulles International Airport ee magaalada Washington, D.C., halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyey.
Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka ku qaabilay bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan Maraykanka iyo saaxiibada Somaliland, kuwaas oo muujiyey soo dhaweyn iyo taageero ku aaddan booqashada Madaxweynaha.
Madaxweyne Cirro waxaa safarka ku wehelinaya Marwada Koowaad ee Qaranka Somaliland, iyo xubno ka tirsan weftiga Madaxweynaha oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiirka Duulista iyo Horumarinta Madaarrada, Wasiirka Gaashaandhigga, La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaalaha iyo La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
Sidoo kale, weftiga Madaxweynaha waxaa ku soo biiri doona Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Wasiirka Madaxtooyada iyo La-taliyaha Sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
Inta uu Madaxweyne Cirro ku guda jiro safarkiisa shaqo ee dalka Maraykanka, waxa uu kulamo iyo wada-hadallo la yeelan doonaa masuuliyiin iyo dhinacyo muhiim ah, isaga oo diiradda saari doona xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed, iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha, maalgashiga iyo taageerada qaddiyadda aqoonsiga Somaliland.
Safarka Madaxweynaha ayaa lagu tilmaamay inuu yahay juhdi qaran oo lagu horumarinayo danaha, sumcadda iyo himilada Somaliland, iyadoo Madaxweynaha iyo weftigiisu Washington u gudbin doonaan aragtida Somaliland, xaqiiqadeeda siyaasadeed, doorkeeda istaraatiijiga ah iyo rabitaanka shacabka Somaliland ee ah in dalkoodu helo aqoonsi iyo xidhiidh caalami ah oo ku salaysan dano-wadaag iyo iskaashi midho-dhal ah.




