Wasiirka Waxbarashada oo Dhallinyarada Ugu Baaqay Inay Shaqo-Abuur Sameeyaan

Tuesday September 01, 2026 - 17:00:24
hadhwanaagnews
"Dhallinyaradu yaanay eegin shaqo ay dawladda ka helaan oo qudha. Fursadaha



Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, ayaa dhallinyarada Somaliland ugu baaqay inaanay ku tiirsanaan shaqooyinka dawladda oo keliya, balse ay raadiyaan fursadaha kale ee shaqo iyo ganacsi.

 

Wasiirku waxa uu sheegay in dhallinyaradu fursado shaqo ka heli karaan hay’adaha caalamiga ah, kuwa maxalliga ah, shirkadaha ganacsiga iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay.

 

Waxa uu yidhi:

 

"Dhallinyaradu yaanay eegin shaqo ay dawladda ka helaan oo qudha. Fursadaha kale way badan yihiin, waxayna shaqooyin ka heli karaan hay’adaha caalamiga ah, kuwa maxalliga ah, shirkadaha ganacsiga iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay.”

 

Prof. Ismaaciil Ducaale ayaa sidoo kale dhallinyarada ku dhiirrigeliyey inay noqdaan shaqo-abuurayaal, isla markaana ay la yimaaddaan fikrado ganacsi oo cusub oo wax ka tari kara shaqo la’aanta.

 

Waxa uu yidhi:

 

"Waxa kale oo dhallinyarada looga baahan yahay inay iyagu fursado shaqo abuuraan oo ay la yimaaddaan fikrado ganacsi.”

 

Wasiirka ayaa sheegay in dhallinyaradu ay muhiim tahay inay ballaadhiyaan fahamkooda ku saabsan shaqada, xirfadaha iyo ganacsiga, si ay uga faa’iidaystaan fursadaha ka baxsan shaqooyinka dawladda.

     
Loading...