Taliyaha Booliska, Wasiirka Warfaafinta iyo Maayarka Hargeysa oo Dhagax-dhigay Rug Boolis oo Cusub

Sunday August 30, 2026 - 13:23:21
hadhwanaagnews
Rugta cusub ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka qaadato xoojinta


May be an image of one or more people

Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, Maayarka Caasimadda Hargeysa iyo qaar ka mid ah madaxda dhaqanka ayaa si rasmi ah dhagax-dhigay rug boolis oo cusub oo laga hirgelinayo Xaafadda Daami ee magaalada Hargeysa.

 

Rugta cusub ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka qaadato xoojinta amniga, sugidda kala dambaynta iyo u fududaynta bulshada adeegyada Booliska, iyadoo qayb ka noqonaysa qorshayaasha lagu horumarinayo adeegyada amniga ee Caasimadda.

 

Dhismaha rugtan ayaa sidoo kale la filayaa inuu bulshada Xaafadda Daami u fududeeyo helitaanka adeegyada Booliska, isla markaana kor u qaado wada-shaqaynta u dhexaysa shacabka iyo laamaha amniga.

     
Loading...