Duqa Hargeysa oo Ballanqaaday Taageero Buuxda oo Lagu Xoojinayo Amniga Daami

Sunday August 30, 2026 - 13:20:03
hadhwanaagnews
"Saldhiggani waxa uu noqon doonaa kan ugu quruxda badan saldhigyada magaalada Hargeysa.",,,,



Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Duqa Caasimadda Hargeysa, Eng. Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Wiiwaa), ayaa sheegay in Dawladda Hoose ee Hargeysa ay diyaar u tahay inay si buuxda uga qayb qaadato sugidda amniga, horumarinta adeegyada bulshada iyo taageeridda dhismaha Rugta Booliska ee Xaafadda Daami.

 

Duqa ayaa sheegay in rugta cusub loo dhisayo si casri ah, isla markaana ay noqon doonto mid ka mid ah saldhigyada ugu quruxda badan magaalada Hargeysa.

 

Waxa uu yidhi:

 

"Saldhiggani waxa uu noqon doonaa kan ugu quruxda badan saldhigyada magaalada Hargeysa.”

 

Eng. Wiiwaa ayaa sidoo kale tilmaamay doorka Dawladda Hoose ku leedahay taageerada hay’adaha amniga, isaga oo tusaale u soo qaatay goob tababar oo ay hore u dhistay Dawladda Hoose, taas oo uu sheegay inay ka aflaxeen saraakiil badan.

 

"Goobta saraakiisha lagu tababaro anigaa dhisay, maantana Alle mahaddii saraakiil badan ayaa ka aflaxday, wixii Dawladda Hoose ahaan nalaga baahan yahayna diyaar ayaan u nahay.”

 

Duqa Hargeysa ayaa sheegay in Dawladda Hoose ay sidoo kale diyaar u tahay inay wax ka qabato baahiyaha kale ee Xaafadda Daami, gaar ahaan garoonka kubadda cagta iyo adeegyada dab-demiska.

 

"Xaafaddu waxay u baahan tahay in hoos loo eego, sida garoonka kubadda cagta iyo dab-demiska, diyaar ayaan u ahay inaan idinla shaqeeyo, idinla dhiso.”

 

Waxa kale oo uu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay xirfadaynta iyo tababaridda dhalinyarada xaafadda, isaga oo sheegay in la diyaarin karo goob ay dhalinyaradu ku bartaan xirfado kala duwan.

 

"Waxaan diyaar u ahay in la xoojiyo xirfadaha dhalinyarada xaafadda, loona sameeyo meel lagu tababaro.”

 

Duqa Hargeysa ayaa ugu dambayn sheegay in Rugta Booliska Daami ay noqon doonto xarun muhiim u ah sugidda amniga iyo adeegga bulshada, isaga oo caddeeyey in Dawladda Hoose ay sii wadi doonto taageerada ay siiso dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada Caasimadda.

     
Loading...