Xukuumadda Somaliland oo 10 Dugsi Casri ah ka Hirgelisay Gobollada Daadmadheedh iyo Sool

Wednesday August 05, 2026 - 14:20:29
hadhwanaagnews
Sida uu sheegay Agaasimuhu, dugsiyada cusub ayaa loo dhisay heer casri ah...


No photo description available.

Hargeysa – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta Somaliland, Saleebaan Ibraahim Maxamuud, ayaa sheegay in la soo gebagebeeyey kormeer lagu qiimeynayey 10 dugsi oo casri ah oo laga hirgeliyey gobollada Daadmadheedh iyo Sool, kuwaas oo si rasmi ah loogu wareejiyey Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

 

Agaasimuhu wuxuu sheegay in 7 dugsi laga dhisay gobolka Daadmadheedh, halka 3 dugsi laga hirgeliyey degmada Xudun ee gobolka Sool. Waxa uu xusay in mashruucan uu maalgeliyey Bangiga Adduunka (World Bank), isla markaana ay iska kaashadeen hirgelintiisa Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

 

Sida uu sheegay Agaasimuhu, dugsiyada cusub ayaa loo dhisay heer casri ah, iyadoo dugsi kasta uu ka kooban yahay afar fasal, xafiisyo, nidaam koronto oo ku shaqeeya tamarta cadceedda (Solar), saddex suuli iyo dayr, waxaana loo qorsheeyey inay adeeg bixiyaan muddo dheer iyada oo aan loo baahnayn dib-u-dhis.

 

Mashruucan ayaa qayb ka ah dadaallada Xukuumadda Somaliland ee lagu ballaadhinayo adeegyada waxbarashada, lagu tayeynayo deegaanka waxbarashada iyo lagu gaadhsiinayo bulshada deegaannada dalka dugsiyo casri ah oo kor u qaada tayada waxbarashada.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta, Saleebaan Ibraahim Maxamuud, ayaa sheegay:

 

"Waxaan soo gebagebeynay kormeerka 10 dugsi oo casri ah; 7 waxa laga dhisay Daadmadheedh, halka 3 kalena laga hirgeliyey degmada Xudun ee gobolka Sool. Dugsiyadan waxaa maalgeliyey Bangiga Adduunka, iyadoo Wasaaradaha Hawlaha Guud iyo Waxbarashadu iska kaashadeen hirgelintooda. Dugsi kasta waxa ku qalabeysan 4 fasal, xafiisyo, nidaam Solar ah, suuliyo iyo dayr, waxaana loo dhisay inay adeeg bixiyaan muddo dheer iyada oo aan dib-u-dhis loo baahnayn. Dugsiyadan waxay tusaale u noqon doonaan dugsiyada casriga ah ee mustaqbalka laga hirgelin doono Somaliland.”

No photo description available.
May be an image of one or more people and people studying
May be an image of dais

No photo description available.

     
Loading...