hadhwanaagnews
Guddida Joogtada iyo Anshaxa ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Guddida, Mudane Maxamuud Xayir Ducaale, ayaa maanta kulan la yeeshay wakiillo ka socday Ururka Xirfadlayaasha Bulshada, kuwaas oo guddida u gudbiyey cabashooyin iyo tabashooyin la xidhiidha arrimo ay sheegeen inay saamayn ku leeyihiin shaqooyinkooda.
Kulanka ayaa intii uu socday Guddidu si faahfaahsan u dhegaysatay cabashooyinka la soo bandhigay, iyadoo xubnaha guddidu ay weydiiyeen wakiillada ururka su’aalo lagu sii faahfaahinayo qodobada ay soo gudbiyeen.
Guddoomiyaha Guddida Joogtada iyo Anshaxa, Maxamuud Xayir Ducaale, ayaa ku bogaadiyey Ururka Xirfadlayaasha Bulshada inay cabashadooda u soo gudbiyeen si waafaqsan habraacyada sharciga, isaga oo sheegay in Golaha Wakiilladu uu waajib ka saaran yahay dhegaysiga cabashooyinka bulshada iyo dabagalka arrimaha loo soo gudbiyo.
Waxa uu sidoo kale caddeeyey in guddidu ay si taxaddar leh u darsayso cabashada, isla markaana ay qaadi doonto tallaabooyinka ku habboon ee waafaqsan sharciga, si xal loogu helo arrinta loona ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta.
Kulanka ayaa qayb ka ah hawlaha kormeerka, isla-xisaabtanka iyo dhegaysiga cabashooyinka bulshada ee ay Guddida Joogtada iyo Anshaxa ee Golaha Wakiilladu si joogto ah u fuliso.