Aqoonsiga Ka Diidaa Ma Adoonsi Doonbaa, Lama Aragtan Kaalaya Afka Way Ka Weynte?

Wednesday July 08, 2026 - 13:14:57
hadhwanaagnews
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim (A.S.C.W.R.W.B)



Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim (A.S.C.W.R.W.B)

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayasha.


 

1-Inaad Tahay Adoon Xore,Allaha Kuu Abuurayo,

Aadmigu Kama Qaadee,Ninka Yidhi Anaa Ku Leh,

Aduunyadu La Yaab Leh,Adyad Miyaynu Yeelaa?


 

2-Indheergarad Ismood Iyo,Awga Iyo Wadaadoow,

Afgobaadsi Noqon Mayso,Aqoonsaan Badh Diide,

Malaha Waa Isyeelyeele,Hoos U Dhiga Amuurah.


 

3-Isticmaar Waxa U Daran,Afka Dadaad Wadagtan,

Aragana La Moodaayo,Umad Walaala Inaadtiino,

Aadamahana Kuu Neceb,Ogolayna Noloshaadah.


 

4-Ahee Waxa Isaga Dhaafay,Ogsonahaan Ax Odhane,

Agfadhiya Cadaawahee,Laguu Soo Adeegsanaayo,

Iyadana Ku Daabanayde,Gudimo Ood Ma Gooyseen.


5-Isujeedo Orod Badaneey,Geedigaad Aloostaanood,

Awrtaad Heeryo Saartan,Hayinkow Gadhqaad Dheer,

Hayaankaw Horeya,Haladadisano Hoganka U Goysan.


 

6-Hore U Soco Hadana Noqo,Waa Halkaaga Taagnow,

Hawlunba La Korodhsaday,Haamo Hadal Ma Buxshe,

Hadda Waxaan Ku Xidhayaa,Habar Iyo Habeenkeeda.


Ismail Handuleh.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...