Waqtigaaga Ku Qurxi Xuska Alle

Tuesday July 07, 2026 - 13:33:35
hadhwanaagnews
لَا إِلَٰهَ إِلَّا اللَّهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، لَهُ الْمُلْكُ وَلَهُ الْحَمْدُ، وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ

May be an image of ‎text that says '‎لَا إِلَهَ إِلَهَإِلَّ إِلّا الَّهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ لَهُلَهُ لَهُ الْمُلْكُ وَلَهُ الْحَمْدُ وَهُوَ عَلَى كُلِ شَىْءٍ قَدِير illalla'hu ilaha La aa wahda'hu la'hulmulku shariikala'hu wa'huwa wala'hulhamdu qadiir in Shay kulli 'alaa‎'‎


Haddii aad dareento in maalintaadu ku dhammaanayso adigoon qaban wax faa’iido leh, ama waqtigaagu ku luminayo wax aan waxtar lahayn, isku day inaad carrabkaaga ku noolayso xuska Alle. Adigoo fadhiya, taagan ama socda, xuska Alle waa camal fudud oo ajarkiisu weyn yahay.


 

Mid ka mid ah adhkaarta fadliga badan waa:


 

لَا إِلَٰهَ إِلَّا اللَّهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، لَهُ الْمُلْكُ وَلَهُ الْحَمْدُ، وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ


 

Nabigu ﷺ wuxuu sheegay in qofkii dhahaa 100 jeer maalintii, uu helayo ajar weyn, waxaana xuskan uu u noqonayaa ilaalin iyo gaashaan ka dhan ah shaydaanka inta ka hadhay maalinta, idamka Alle.


 

Ha u oggolaan in maalin kaa dhammaato adigoon carrabkaaga ku noolayn xuska Alle, istighfaarka iyo ducada. Camalladan yar-yar waxay noqon karaan kuwa ugu culus miisaankaaga maalinta Qiyaame.


 

Alle ha inaga dhigo kuwa carrabkoodu qoyan yahay xuskiisa, qalbigooduna ku xasilloon yahay xuska Eebbe. Aamiin.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...