Xildhibaan Shaadh Oo Su'aal Ka Weydiiyey Wasaaradda Waxbarashada Manhajka Taariikhda Halganka Somaliland

Sunday July 05, 2026 - 17:12:57
hadhwanaagnews
Xildhibaanka ayaa sheegay in muhiim ay tahay in jiilasha

Cabdijibaar - Xildhibaan Cabdiraxmaan Shaadh oo ka tirsan golaha Guurtida Somaliland ayaa beeniyey warar sheegaya inuu gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland,Saleebaan Maxamed Aadan,uu warqada is casilada u gudbiyey madaxweynaha Somaliland,Muuse Biixi ...


Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Xasan (Shaadh) ayaa su’aal u jeediyey Wasaaradda Waxbarashada, isaga oo weydiiyey inay qorshaynayso in manhajka waxbarashada lagu daro taariikhda halgankii dib-u-xoreynta Somaliland iyo kaalintii geesiyaashii Mujaahidiinta ee naftooda u huray difaaca dalka.

 

Xildhibaanka ayaa sheegay in muhiim ay tahay in jiilasha soo koraya lagu barbaariyo aqoonta taariikhda qaranka, si ay u fahmaan halgankii loo soo maray dib ula soo noqoshada qaranimada iyo doorkii halyeeyadii u soo halgamay jiritaanka Somaliland.

 

Waxa uu yidhi:

 

"Wasaaraddu ma qorshaynaysaa in manhajka waxbarashada lagu daro taariikhda halgankii dib-u-xoreynta Somaliland iyo geesiyaashii Mujaahidiinta ee naftooda u huray difaaca dalka?" – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Xasan (Shaadh).

     
Loading...