hadhwanaagnews

Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in dib loo fasaxay adeegga lacagaha moobillada lagu isugu diro ee ka yar 100 doollar, kadib markii hore loo hakiyey fulintiisa.
Go’aankan cusub ayaa la filayaa inuu fududeeyo isu-dirista lacagaha yaryar ee ay maalin kasta isticmaalaan shacabka, gaar ahaan macaamiisha ku tiirsan adeegyada lacagaha elektaroonigga ah.
Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Somaliland ay hirgelisay cashuurta iibka (Sales Tax), taas oo saamayn ku yeelatay habka loo maareeyo lacagaha lagu kala diro taleefannada iyo adeegyada lacag-bixinta dijitaalka ah.
Masuuliyiinta ayaa sheegay in dib u fasaxidda adeeggan ay qayb ka tahay dadaallada lagu dheellitirayo hirgelinta nidaamka cashuuraha iyo fududeynta adeegyada maaliyadeed ee ay bulshada isticmaasho, iyadoo la ilaalinayo habsami u socodka dhaqaalaha iyo adeegyada lacagaha moobillada.