hadhwanaagnews
Bismillahi Alraxmaan Alraxiim
[A.S.C.W.R.W.B] Tu Khaas Ahna
Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
1-Wadadii Siyaadba Ku Wacanayd, Weyso Been Laha,
Waa Wakiiladii Faqashtiyo,Waaridkii Fiqi.
2-Waran Cadaw Kugu Wareemiyo,
Fulaha Wiirsi Kugu Riixa,
Waxa Lagu Walaaloobay Waa,
Inay Ku Wiiqaan.
3-Wanqashii Aqoonsiga,Ninkii Doona Inuu Waabsho,
War Moogaad,Aduunyadan Ka Tahay, Weel La Dhaansado.
4-Wadkii Ruuxu Galay Laguma Karo,
Waanadiyo Joogta,
Wanweyn Ilaa La Gawraco Indhuhu, Kor Uma Weecdaan.
5-Wasiiro Iyo Sirdoon Weecsanoon,
Waajibkood Gudanin,
Wadarta Ka Xoog Weyn,Markay Talo
Wareer Gaadho.
6-Weerarkii Cadaawu Gudaa,Waakan Soo Galaye,
Wakhtigan Aynu Joognaan,Sugaynin War Iyo Sheekaysi.
7-Wadaad Xuma Wanaageenan Necay,
Nabadna Weydeeyay,
Naxariis Ilaahba Hayoo,Noolahaw
Siman.
8-Ha Naawilo Naflaha Wax U Maqan,
Ŵuw Nasiib Qorane.
Nacasnimo Sharcigu Kama Naxee, Wuu Ka Nixiyaa.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!