Muuse Biixi oo Xusay Halgankii SNM iyo Dagaalladii Burco, Cadaadley iyo Hargeysa

Sunday May 31, 2026 - 14:08:31
hadhwanaagnews
Muuse Biixi ayaa dib u xasuusiyey shacabka Somaliland dhacdooyinkii....



Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook ku xusay dhammaadka bisha May, isaga oo ku tilmaamay xilli astaan u ah halgankii, naf-hurnimadii iyo geesinimadii ay muujiyeen halgamayaashii SNM iyo shacabka Somaliland.


 

Muuse Biixi ayaa dib u xasuusiyey shacabka Somaliland dhacdooyinkii taariikhiga ahaa ee sannadkii 1988, gaar ahaan dagaalladii ka dhacay magaalooyinka Burco, Cadaadley iyo Hargeysa, kuwaas oo uu sheegay inay door weyn ka qaateen halgankii dib loogu soo ceshaday madaxbannaanida Somaliland.


 

Qoraalkiisa ayuu ku sheegay in 27-kii May 1988 ay ciidamada SNM gudaha u galeen magaalada Burco, halka 29-kii May ay la wareegeen magaalada Cadaadley kadib dagaal culus. Sidoo kale, waxa uu xusay in 31-kii May 1988 ay ciidamada SNM waaberigii galeen magaalada Hargeysa.


 

Madaxweyne hore Muuse Biixi ayaa sheegay in dowladdii xilligaas jirtay ay adeegsatay awood ciidan oo ballaadhan oo ay ku jireen diyaaradaha dagaalka, madaafiicda, taangiyada iyo hub culus oo kala duwan.


 

Waxa uu tilmaamay in dagaallada iyo duqaymuhu socdeen muddo ku dhow 74 maalmood, isla markaana ay sababeen burbur baahsan oo gaadhay inta badan magaalada Hargeysa.


 

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay in dagaalladaasi ay sababeen khasaare naf iyo maalba leh, iyadoo kumannaan qof ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen, halka boqollaal kun oo kalena ay noqdeen qaxooti iyo barakacayaal.


 

Muuse Biixi ayaa sheegay in ugu dambayn halgankaasi ku dhammaaday guushii ay gaadheen halgamayaashii SNM iyo dib ula soo noqoshadii madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.


 

Ugu dambayn, waxa uu Alle uga baryey naxariis dhammaan halgamayaashii ku shahiiday halgankaasi iyo shacabka ay dhibaatadu kasoo gaadhay dagaalladii dhacay.


 

"Gobannimadu waa geed ku baxa dhiigga geesiga,” ayuu ku soo gunaanaday qoraalkiisa.

     
Loading...