hadhwanaagnews
Magaalada Hargeysa ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey wafuud caalami ah oo ka kala timid dalal dhowr ah, kuwaas oo u yimid ka qaybgalka munaasabadda weyn ee 18-ka May ee Somaliland.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland, Maxamed Cabdiraxmaan Xasan, ayaa garoonka diyaaradaha ee Hargeysa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska Sir Gavin Williamson, iyadoo wafdigaasi ay xubno ka ahaayeen masuuliyiin iyo siyaasiyiin ka socday United Kingdom iyo United States.
Dhanka kale, waxaa sidoo kale magaalada soo gaadhay wufuud ka socotay Ethiopia iyo Kenya. Wafdiga Kenya ayaa waxaa hoggaaminayey guddoomiye gobol, waxaana qayb ka ahaa xubno baarlamaan oo ka socday dalkaasi.
Wafuuddan caalamiga ah ayaa ka qaybgalaya xuska 18-ka May oo sanad kasta si weyn looga xuso guud ahaan Somaliland, iyadoo munaasabaddani ay astaan u tahay maalinta ay Somaliland ku dhawaaqday dib ula soo noqoshada madaxbannaanideeda sanadkii 1991-kii.
Magaalada Hargeysa ayaa maanta laga dareemayaa dabaaldeg xooggan, iyadoo waddooyinka lagu qurxiyey calamo iyo astaamo muujinaya maalinta 18-ka May, halka kumannaan qof ay isugu soo baxeen fagaarayaasha waaweyn ee magaalada.