Somaliland oo Si Rasmi ah u Saxiixday Qandaraaska Dhismaha Waddada Lawyacaddo iyo Boorama

Wednesday May 13, 2026 - 14:51:39
hadhwanaagnews
Hay'addu waxay sheegtay in fulinta mashruucan loo xil



Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Somaliland ayaa shaacisay in si rasmi ah loo saxiixay qandaraaska dhismaha waddada isku xidha Lawyacaddo iyo Boorama, gaar ahaan wajiga koowaad ee mashruuca oo diiradda lagu saarayo jidka u dhexeeya Saylac iyo Lawyacaddo oo dhererkiisu yahay 30 KM.


Hay’addu waxay sheegtay in fulinta mashruucan loo xil saaray shirkadaha Tianjin Tainer Construction Engineering Co, LTD iyo Adcon Somaliland.


Mashruucan oo muddo dheer ay bulshada Somaliland sugaysay ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaato horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo kobcinta isu socodka ganacsiga ee gobollada Galbeedka Somaliland.

     
Loading...