hadhwanaagnews
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim (A.S.C.W.R.W.B)
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha
1-Dariiqiisa Loo Maray,Dimuqraadinimo Weeye,
Degenansho Nabado,Dadku Wada Walaal Yiin,
Dulqaad Iyo Adkaysiga,Ooynaan Digiigaxanin,
Durufa La Marayo,Qolofta Diinka Loo Yeesho.
2-Dawgaynu Socona,Dalcad Weeye Dheeron,
Degdeg Lagu Koreynin,Daadaheeya Maatida,
Daalka Iyo Culayskaba,Waa In Loo Dulqaata,
Danaheena Aynu Gaadhne,Delqaaf Ha Diidina.
3-Diblomaasinimadaa,Dareenkaaga Qari Tidhiyo,
Demenaan Ka Barano,Sahal Laguuma Dagi Karo,
Debecsanida Badan Iyo,Degdegaba Iska Ogaada,
Digtoonaan Lahaado,Dagnaanyaan Laga Helin,
4-Dugsi Maleh Shisheeye,Daayacnana Haw Dhiman.
Duudsigaydun Diidaan,Dadka Kale Laguma Deyayo,
Distoorkaynu Dhiganaa,Laga Dheegay Diinteenan,
Da^Yartiyo Dhalaankeenu,Duruus Bay Ku Qaataan.
5-Doqonta Iyo Qof Liitaan,Dulkaxaadis Garanine,
Daaqsin Hadalka Loo Dhigo,Diblomaasiga Garan,
Dedano Dalaalimane,Doc Faruurka Naga Dhawr,
Dabaaldegba La Gelaya,Ka Hormari Digtoonaan.
6-Dusha Iyo Hoosta Dockastaba,U Dir Duul Dareelo,
Dalkan Looga Baqanaynin,Hanashada Difaaciisah,
Degdeg Noogu Soo Qaad Dafcadii,Ugu Danbaysaye,
Daraad Jebisay Qalinke,Doorkan Loogu Talogalay.
Ismail Handuleh.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!