Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland oo Qaabilay Mas'uuliyiin ka Socotay Laba Hay'adood oo Caalami ah

Sunday March 15, 2026 - 13:36:50
HADHWANAAGNEWS
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga

May be an image of text


Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Cismaan Jaamac, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiin ka socotay hay’adaha Consulting Engineers Salzgitter GmbH (CES) iyo Horn AquaTech (HAT), kuwaas oo booqasho shaqo ugu yimid wasaaradda.


 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya wasaaradda iyo hay’adahaasi, wada-tashiga mashaariicda horumarineed ee ay ka taageeraan wasaaradda, iyo sidii loo dardargelin lahaa hawlaha lagu horumarinayo xannaanada xoolaha iyo adeegyada la xidhiidha.


 

Mas’uuliyiinta kulanka ka qaybgalay ayaa sidoo kale ka wada hadlay fursadaha iskaashi ee mustaqbalka, si loo sii xoojiyo mashaariicda horumarineed ee ay hay’adahani ka fuliyaan dalka, gaar ahaan kuwa la xidhiidha kobcinta wax-soo-saarka xoolaha iyo horumarinta adeegyada reer miyiga.

May be an image of one or more people, blonde hair, people studying and eyeglasses
May be an image of one or more people, people studying and text that says 'OF OF LIVESTO LIAVESTO 1በዋ'
May be an image of one or more people and people smiling






     
Loading...