hadhwanaagnews
Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa xabsiga u taxaabtay muwaadiniin u dhashay Bangladesh, kuwaas oo lagu qabtay iyaga oo ka tuugsanaya magaalada Riyaad, caasimadda dalkaasi.
Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku eedaysay dadkaasi inay ku lug lahaayeen falal ka hor imanaya sharciga dalka, isla markaana ay ku xad-gudbeen xeerarka mamnuucaya tuugsiga iyo dadka wax weydiisashada goobaha dadweynaha.
Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa marar badan adkeeyay in tuugsiga iyo dawarsiga ay ka mamnuuc yihiin dalka, iyaga oo sheegay in cid kasta oo lagu qabto falalkaas laga qaadi doono tallaabo sharci ah.