HADHWANAAGNEWS ![]() |
Boorama – Guddoomiyaha Gobolka Awdal, Mudane Cabdirashiid Xasan Mataan, oo uu weheliyo Maayirka Degmada Boorama, Mudane Maxamuud Sheekh Ibraahim, ayaa maanta si wadajir ah u soo kormeeray dhismaha garoonka kubbadda koleyga ee ay dayactirka iyo dib-u-dhiska ka waddo Dawladda Hoose ee Boorama.
Warbixin ku Saabsan Heerka Mashruuca
Mas’uuliyiinta ayaa warbixinno faahfaahsan ka dhegaystay hawlwadeennada iyo injineerada gacanta ku haya mashruuca, kuwaas oo ka xog-waramay heerka uu marayo dhismaha iyo qorshaha lagu dhamaystirayo garoonka.
Garoonkan ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaato horumarinta ciyaaraha iyo kobcinta fursadaha dhalinyarada magaalada.
Kulamo Bulsho iyo Arrimaha Nabad-gelyada
Sidoo kale, masuuliyiintu waxay kulan la qaateen guddiga bulshada ee xaafadda Sheekh Cali Jawhar, iyaga oo kala hadlay arrimaha nabad-gelyada iyo baahiyaha ka jira xaafadda, si loo dardargeliyo horumarka iyo adeegyada bulshada.
Kormeer Saldhigyada Magaalada
Intii uu kormeerku socday, Guddoomiyaha iyo Maayirka waxay sidoo kale soo mareen saldhigyada ku yaalla magaalada Boorama, iyaga oo kuur-galay shaqooyinka ay hayaan iyo adeegyada ay bulshada u qabtaan.
Kormeerkan ayaa muujinaya dadaallada ay masuuliyiinta gobolku ugu jiraan xoojinta kaabeyaasha ciyaaraha, nabad-gelyada iyo horumarinta adeegyada bulshada ee magaalada Boorama.
![]() |
![]() |
![]() |