Somaliland oo Xoojinaysa Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka – Hawlgal Ka Socda Baki

Sunday February 15, 2026 - 08:34:23
HADHWANAAGNEWS
Hawlgalka oo ay hormuud ka tahay Waaxda Adeegga Caafimaadka



Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, oo kaashanaysa UNFPA iyo KSrelief, ayaa hawlgal caafimaad oo dhammaystiran ka fulisay degmada Baki, kaas oo bulshada lagu gaadhsiiyey adeegyo caafimaad oo muhiim ah, gaar ahaan kuwa la xidhiidha caafimaadka taranka, hooyada iyo dhallaanka.

Adeegyadan waxaa fulinaya dhakhaatiir iyo shaqaale caafimaad oo khibrad leh, iyaga oo bulshada u fidinaya baadhitaanno caafimaad, dawooyin iyo agab casri ah oo lagu daweeyo laguna ogaado xanuunnada kala duwan.

Hawlgalka oo ay hormuud ka tahay Waaxda Adeegga Caafimaadka Bulshada ayaa soconaya muddo shan maalmood ah, laga bilaabo 12 ilaa 16 Febraayo 2026. Waxaa si gaar ah diiradda loo saaraya adeegyada caafimaadka taranka, daryeelka hooyada iyo dhallaanka, wacyigelinta bulshada, iyo la-tacaalidda xanuunnada ku badan deegaannada Somaliland.

Sidoo kale, waxaa lagu dadaalayaa kor u qaadidda fahamka bulshada ee ka hortagga cudurrada, nadaafadda, iyo daryeelka caafimaadka guud si loo helo bulsho caafimaad qabta.

Wasaaraddu waxay caddeyneysaa in mashruucani yahay mid lagu xoojinayo helitaanka adeegyada caafimaad ee bulshooyinka nugul, isla markaana lagu yaraynayo caqabadaha ka jira gaadhista daryeel caafimaad oo tayo leh.

Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay si gaar ah ugu mahadcelinaysaa UNFPA iyo KSrelief taageerada joogtada ah ee ay ku garab taagan yihiin horumarinta adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bulshada.

     
Loading...