Wasaaradda Ganacsiga Somaliland oo Hirgelinaysa Nidaamka Sharci ee Summadaha Ganacsiga

Saturday February 14, 2026 - 09:49:59
HADHWANAAGNEWS
Kulankan waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda...



Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si guul leh u qabatay kulan ballaadhan oo lagu falanqeeyey qaybo ka mid ah Qoraalka Xeerka Summadaha Ganacsiga. Kulankan, oo ay ka soo qeyb galeen daneeyayaal badan oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada iyo ganacsiga, ayaa waxaa lagaga dooday sidii loo dhammaystiri lahaa xeerka summadaha ganacsiga ee dalka, si uu ugu adeeggo danaha ganacsatada iyo suuqyada dalka.

Kulankan waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Eng. Maxamuud Xuseen Aadam (Jabaake), kaas oo khudbaddiisa ku adkeeyey muhiimada ay leedahay ilaalinta xuquuqda milkiilayaasha summadaha ganacsiga. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey in xeerka summadaha ganacsiga uu yahay tiir muhiim u ah ilaalinta tartanka suuban ee suuqyada dalka, iyo sidii loo xaqiijin lahaa in suuqyada Somaliland ay noqdaan kuwo hufan oo soo jiita maalgashi iyo ganacsi caafimaad qaba.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa u mahadceliyey ka-qaybgalayaasha doorkooda firfircoon iyo talooyinka qiimaha leh ee laga soo jeediyay kulankaas. Wasiirku wuxuu sheegay in talooyinka iyo fikradaha la soo jeediyey lagu dari doono dib-u-habaynta kama dambaysta ah ee xeerka, taas oo muhiim u ah dhammaystirka iyo hagaajinta nidaamka sharci ee summadaha ganacsiga ee dalka.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in xeerka summadaha ganacsigu uu yahay mid muhiim ah, isla markaana Wasaaraddu ay ka go’an tahay in ay dhammeystirto xeerkan si uu u adeego danaha qaranka iyo ganacsiga. Waxaa sidoo kale la tilmaamay in xeerkan uu kaalin weyn ka qaadan doono ilaalinta xuquuqda ganacsatada, gaar ahaan kuwa sumadaha ganacsiga leh, si looga hortago musuqmaasuqa iyo tartan aan caafimaad qabin.

Shirkan ayaa ahaa mid muhiim u ah horumarinta ganacsiga Somaliland, waxaana la filayaa in dib u habaynta xeerka summadaha ganacsiga ee dalka ay keento fursado cusub oo lagu taageerayo ganacsiga iyo tartanka caafimaadka leh. Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, iyadoo la kaashanaysa daneeyayaasha kala duwan, waxay si joogto ah uga shaqeynaysaa sidii loo horumarin lahaa xeerarkan si loogu adeego danaha guud ee Somaliland. Sidoo kale Tallaabadani waxay muujineysaa go’aanka Wasaaradda ee ah in la dhiso nidaam sharci oo dhab ah, kaas oo ka caawin kara ganacsatada iyo suuqa guud ee Somaliland inuu horumar waara gaadho.

     
Loading...