Rebel News oo Dawladaha Reer Galbeedka ku Booriysay in ay Aqoonsadaan Somaliland!

Saturday February 14, 2026 - 09:54:26
HADHWANAAGNEWS
Warbixintu waxay si adag u dhaliishay qaabka waddamada



Warbaahinta caalamiga ah eeRebel Newsayaa si rasmi ah u shaacisay mowqif cad oo ay ku taageeraysoaqoonsiga madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo ku baaqday in dawladaha reer galbeedku ay si degdeg ah u aqoonsadaan qadiyadda madax-bannaanida qarannimada Somaliland.

Warbixinta Rebel News waxay tilmaantay in Jamhuuriyadda Somaliland ayka mid tahay dawladaha naadirka ah ee ugu guulaha badan Geeska Afrika iyo dunida. Waxa kale oo ay sheegtay in Somaliland ay muddo ka badan30 sannoay si madax-bannaan u maamulanaysay dhulkeeda, una ilaalinaysay amnigeeda, isla markaana ay dhisatay nidaamdimuqraadi ah, nabad iyo xasillooni buuxda.

Warbixintu waxay si adag u dhaliishay qaabka waddamada beesha caalamku ay u wajahaan aqoonsiga dawladaha, iyadoo xustay in aqoonsi la siiyo dalal fashilmay iyo hay’ado ay taageeraan kooxo xagjir ah, halka Somaliland oo lehdoorashooyin xor iyo xalaal ah, hay’ado dawladnimo oo shaqeeya, iyo nabaday weli ka maqantahay liiska dalalka Qaramada Midoobay.

Rebel News waxay sheegtay in arrinta Somaliland aanay ahayn mid muran ku jirta marka la eego xaqiiqooyinka dhabta ah ee ka jira dhulka, isla markaana ay tahay khalad siyaasadeed iyo mid anshax in dal sidan u shaqeeya loo diido aqoonsi, halka kuwa fashilmayna la aqoonsanayo.

Warbixinta ayaa sidoo kale baaq caalami ah u dirtay waddamada adduunka, iyada oo ugu yeedhayso dawladaha reer galbeedka in ay saxaan khaladka taariikhiga ah ee ka jira aqoonsiga, isla markaana ay si degdeg ah u aqoonsadaan Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kalena ay ka dhabeeyaan mabaadi’da ay ku faanaan ee ahdimuqraadiyad, xasilloonida, iyo is-maamul ku dhisan rabitaanka shacabka.

Ugu dambayn, warbaahinta Rebel News waxay hoosta ka xarriiqday in aqoonsiga Somaliland uu noqon doono tallaabo lagu xaqiijinayocadaaladda caalami ah, isla markaana uu dhiirrigelin doono horumarka dimuquraadiyadda, nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo guud ahaan caalamka intiisa kale ba.

     
Loading...