HADHWANAAGNEWS
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim (A.S.C.W.R.W.B)
Tu Khaas Ahna H/W Iyo Akhristayaasheeda
1-Imaaraadka Carabtiyo,
Turkigaad Afbaratayoo,
Islamnimo Ku Aragtaye,
Aydanaad Jibaaxaysoh,
Af Libaax Ayaad Geliye,
Albaab Adag Ha Tumin,
Abrisyanu Kugu Cunin.
2-Afkaaga Haysan Weydaye,
Iska Eeg Isra,Il Ordugaan,
Walalkiis Aqalkay Kaala,
Soo Bixi Adigoo Arkaayo,
Aroortay Ku Soo Qabano.
Araxana Kuuma Gelayan,
Islaam Weeye Carabtuye,
Abaalse Ma Laha Laakiin.
3-Waana Sidaa Adoo Kale,
Nimankii Ku Ababshayee,
Aduunyada Ku Kala Baray,
Anfac Raadis Inaad Tahay,
Imaaraad Baxaad Tidhiye,
Ayaamahaynu Eegnaayoo,
Adigoo Baahan Baad Tegi.
4-Aradnaanta Ugu Darani,
Iimaan La,Ida Weeyaaneh,
Inteenanba Inagu Filano,
Ilaahay Mahadi Weeyaan,
Usgaga Iyo Qadhmunkodi,
Uuradeeda Faqashtaynu,
Ka Afuufnay Waa Horeba.
5-Irmaantena Aan Gudhin,
Inkaar Iyo Ilba La,Atada
Abidkaaba Ahaw Hodan,
Imaaraadku Maalgeliyay,
Aduunyadu Majeertaane
Afrikana Hormood U Ah,
Ooyayaan Intay Necebih,
Anagana Il Khayr Laho,
Eebbe Nagu Manaystay,
Ayaynaanba Madhinayn.
Ismail Handuleh.
Ismail handuleh <[email protected]>
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!