DEG DEG: 2 Qof Oo Ku Geeriyooday Shil Xalay Ka Dhacay Duleedka Gabiley

Saturday May 02, 2026 - 11:17:53
hadhwanaagnews
Dadka dhaawacmay ayaa lagu dabiibayaa Cusbitaalada Guud ee Gabiley


Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay shil gaadhi oo xalay ka dhacay duleedka magaalada Gabiley, kaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.


 

Sida lagu sheegay warbixinta, shilka ayaa ka dhacay waddada dhinaca bari ee magaalada Gabiley, waxaana isku dhacay saddex gaadhi iyo bajaaj, taas oo keentay dhimashada laba qof (Alle ha u naxariistee) iyo dhaawaca siddeed qof oo kale, iyadoo lix ka mid ahi ay qabaan dhaawacyo culus.


 

Dadka dhaawacmay ayaa lagu dabiibayaa Cusbitaalada Guud ee Gabiley iyo Hargeysa, halkaas oo ay bahda caafimaadku si degdeg ah uga wadaan daryeelka iyo badbaadinta noloshooda.


 

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa tacsi u dirtay ehelka iyo qaraabada ay ka baxeen labada marxuum, iyadoo Alle uga baryey inay naxariistii Janno ka waraabiyo, kuwa dhaawacmayna siiyo caafimaad degdeg ah.


 

Ugu dambayn, wasaaraddu waxay digniin u dirtay darawallada, iyadoo ku boorrisay inay yareeyaan xawaaraha, feejignaadaan wadista, isla markaana u hoggaansamaan shuruucda waddooyinka si loo ilaaliyo badqabka bulshada.

     
Loading...